Natiijada imtixaanka dugsiga dhexe oo Gobolka Banaadir oo la shaaciyey

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta shaaciyay natiijada Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Dhexe ee sanadkan gudubtay, iyadoo kaalmaha ugu sarreeya ay ku guuleysteen gabdho da’yar ah.

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa sheegay in kaalinta 1-aad ay gashay Sakiyo Cabdullahi Cali Iman, kaalinta 2-aad Sahro Axmed Cali Maxamed, halka kaalinta 3-aad ay gashay Maymuun Ramadaan Cali Cumar.

Guud ahaan, imtixaanka waxaa galay 41,076 arday, waxaana ka gudbay 38,263 arday, halka 2,813 ay ku dhaceen, sida lagu sheegay faafinta rasmiga ah ee gobolka.

Natiijada ayaa muujisay heerka sare ee ka qeybgalka iyo guusha gabdhaha ee imtixaanka gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen Mungaab, ayaa saddexda gabdhood ku abaalmariyay dahab, isagoo ku tilmaamay tillaabadaasi dhiirigelin iyo aqoonsi guushooda ah.

HBN ONLNE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed