Natiijada hodhaca ee doorashooyinka golaha deegaanka Puntland oo la shaaciyey 

Gudiga doorashooyinka maamul goboleedka puntland ayaa shaaciyey natiijada hordhaca ah ee codeyntii shalay ka dhacday degmooyinka gobolka Nugaal, iyada oo dadka codeeyey ay gaarayaan 37,032 qof sida ay sheegeen guddiga.

Gudiga yaa sheegay in si sax ay codkooda u dhiibteen dad gaaray 34,875 cod oo ansax noqday, waxaana xumaaday ama qalmay 2,247 cod.

Kuraasta seddexdan degmo ee lagu loolamayo oo gaaraya 81 kursi ayaa waxaana natiijada xisbi kasta uu ka helay seddexda degmo ay kala tahay:

Kaah waxaa uu helay 12,183 cod oo u dhiganta 28 kursi
Horseed waxaa uu helay 6,744 cod oo u dhiganta 17 kursi
Sincad waxaa uu helay 5,413 cod oo u dhiganta 13 kursi
Mideeye waxaa uu helay 3,183 cod oo u dhiganta 10 kursi
Ifiye waxaa uu helay 2,185 cod oo u dhiganta 4 kursi
Runcad waxaa uu helay 2,137 cod oo u dhiganta 4 kursi.
Shaqaalaha waxaa uu helay 1,480 cod oo u dhiganta 3 kursi.
Mustaqbal waxaa uu helay 1,550 cod  oo u dhiganta 2 kuris!

Natiijada la shaaciyay ee saddexda degmo (Dangoroyo iyo Godobjiraan) ayaa muujinaya in uusan jirin xisbi helay aqlabiyad uu keligii ku dhiso gole degaan, iyada oo la sugayo shaacinta kale ee Guddiga doorashooyinka Puntland.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed