Natiijada doorashada madaxweynaha Kenya oo cagta cagta la isagu hayo

Nairobi- 10. August 2022

Dalla Kenya waxaa la wadaa tirinta codadkii doorashadii shalay dhacday ee Madaxweynaha, Baarlamaanka, Golayaasha Deegaanka & Gudoomiyeyaasha Gobollada.

Doorashada ugu xiisaha badan uguna adag waa tan Madaxweynaha oo labada musharax ee ugu cad cad waa William Ruto & Raila Odinga ay aad isugu dhow yihiin inkastoo wali la wado tirinta.

Natiijada horudhaca ah ee illaa iyo hadda soo baxaysa ayaa marba mar waxaa sara maraya labada nin midkood.

Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in tirada dadka codaynta u soo baxday ay gaarayso 60% waxaana ay ka yar tahay dadkii codeeyey doorashadii hore oo tirade guud ahayd 80% dadka la diiwaangaliyey.

Natiijada doorashada madaxweynaha waxaa ku guulaysanaya musharaxa hela in ka badan kala bar codadka la dhiibtay, laakiin natiijada rasmiga ah ayaa qaadan karta maalmo.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed