Nabadoonkii ugu horeeyey oo ku dhintay dagaalka ka dhanka Daacish ee ka socda Calmiskaad

Nabadoon Cabdi Hayaan Saalax ayaa ku geeriyooday dagaal culus oo xalay ka dhacay buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaas oo uu qeyb ka ahaa howlgalka ciidamada Puntland ee lagula dagaalamayo kooxda Daacish ee ka socda Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in Nabadoonka uu ku dhintay weerar ay Daacish ku soo qaadeen ciidanka Puntland ee ku sugnaa togga Walisoor, iyadoo sidoo kale labo askari ay ku dhaawacmeen.

War kasoo baxay maamulka Puntland ayaa lagu yiri: “Allaha unaxariisto NabadoonkuNabadoonku waxa uu ahaa nin geesi ah, Waana nabadoonkii ugu horeeyey ee intuu koofiyada dhigay tuutaha xirtay bilowga dagaalka ilaa & haatana ku sugnaa jiidaha hore ee Dagaalka ,Wuxuuna nabadoonka ku taamayay maalin un in cadowga shisheeye ee kusoo duulay dhulkeena la iska dulqaado isagoona ugu dambayn ku shahiiday dagaal xalay ka dhacay toga Walisoor.”

Sidoo kale, Guddoonka Baarlamaanka Puntland ayaa tacsi u diray ehelka iyo shacabka maamulka, isagoo ku tilmaamay marxuumka geesi ah oo si firfircoon uga qayb qaatay difaaca dalka iyo dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero argagixisada.

Ciidamada Puntland ayaa muddo ku dhow hal sano dagaal adag kula jira kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda Calmiskaad, waxaana ay sheegeen inay gaareen guulo muhiim ah oo dhanka militari ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed