Muxuu yahay xeerka hadal heynta badan dhaliyey ee Baarlamaanka Jabuuti meel mariyey?

Baarlamaanka dalka Djibouti ayaa maanta kulan aan caadi ahayn ku ansixiyey wax ka beddel Dastuurka oo meesha ka saaraya xadka da’da musharixiinta madaxweynaha, taas oo hore loogu jideeyey 75 sano in masuul ka weyn u tartami karin xilka ugu sareeya dalkaasi.

Go’aankan ayaa fure u ah Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, oo 77 jir ah, in uu mar kale isu soo taago doorashada guud ee dalkaas ka dhici doonta bisha April ee sannadka 2026.

Geelle, oo xilka haya tan iyo sannadkii 1999-kii, ayaa hadda helaya fursad uu ku sii wadan karo hogaaminta dalka, inkasta oo tallaabadan ay si xooggan uga soo horjeesteen mucaaradka dalka iyo kooxaha dibad wareega ah, kuwaas oo ku tilmaamay “tallaabo lagu adkaynayo” waxay ku tilmaameen “kaligii-talisnimo.”

Wax ka beddelka cusub ayaa Djibouti gelinaya liiska dalalka ay ka taliyaan madaxda ugu da’da weyn ee caalamka, iyadoo dood weyn ay ka dhalatay sii haysashada talada ee Madaxweyne Geelle oo muddo ku dhow rubuc qarni hoggaanka haya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed