Muxuu yahay socdaalka Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya iyo Taliyaha AFRICOM ku tageen Hargeysa?

Madaxweynaha kursiga baneynaya Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta magaalada Haregysa kula kulmay Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Richard H. Riley oo uu wehelinayey Taliyaha Taliska Ciidammada Maraykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM), Major General Brian Cashman, masuuliyiin kale iyo Saraakiil ciidan oo ka tirsan Dawladda Maraykanka.

War ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in madaxweyne Muuse Biixi uu uga warbixiyay xubnaha wefdiga Maraykanka xaalka Somaliland, iskaashiga iyo xiriirka wada shaqayneed ee Amniga geeska Afrika ee Somaliland iyo Maraykanka.

Sida oo kale Safiirka Maraykanka, Richard H. Riley iyo Major General Brian Cashman ayaa sheegay inay dhinacooda diyaar u yihiin iskaashiga dhinacyada Amniga Geeska Afrika, iyaga oo Somaliland ku bogaadiyey sida hadalka loo dhigay doorka ay ka qaadatay horumarka arrimaha dimuquraadiyada, doorashooyinka isku isku sidkan iyo bisaylka siyaasadeed ee ka hana-qaaday.

Kulanka Hargeysa ku dhexmaray Saraakiishaan Mareykanka ah iyo madaxweynaha jagada ka degaya Somaliland Muuse Biixi ayaa aan laga soo warin wax intaasi dhaafsan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed