Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa maanta safar lagu sheegay mid shaqo ugu baxay dalka Qadar, kadib markii uu martiqaad rasmi ah ka heley xukuumadda Dooxa, iyadoo lagu sheegay safarka inuu daarran yahay arimo la xariira marinka Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Geeska Afrika.
Safarka Cirro ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee Madaxweyne ka socda Somaliland uu booqasho rasmi ah ku tago dalka Qatar tan iyo aasaaskii Somaliland in ka badan 30 sano, waxaana socdaalka Cirro uu qaadan doonaa muddo dhawr cisho ah.
War ka soo baxay warbaahinta xukuumada Somaliland ayaa lagu sheegay in wafdiga Cirro ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibedda, Gudaha, Madaxtooyada iyo Diinta. Sidoo kale, waxaa wafdiga ka mid ah La-Taliyaha Arrimaha Dhaqaalaha iyo Madaxa Xafiiska Madaxweynaha.
Inkasta oo madaxtooyada Somaliland aanay sheegin cidda rasmiga ee ay ka heleen casuumadda, hadana waxaa la tilmaamay in muddada ay joogaan ay kulamo kala duwan la yeelan doonaan madax sare oo dalka Qadar ah.
“Muddada ay Madaxweynaha iyo wefgigiisu ku sugan yihiin magaalada Dooxa, Caasimadda dalka Qadar, waxa ay kulamo la yeelan doonaan Madaxda iyo Mas’uuliyiinta sarsare ee Dawladda Qatar, iyaga oo ka wada hadli doona danaha u dhexeeya labada dhinac; gaar ahaan xagga amniga iyo xasilloonida Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed iyo Geeska Afrika” ayaa lagu yiri bayaanka Madaxtooyada Somaliland.
Waxaa intaasi lagu daray in qodobada laga wadahadli doono ay ku jiraan iskaashiga iyo wax wada qabsiga, maalgashiga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada iyo Amniga.
HBN ONLINE TV