Muxuu yahay shrdigaan waajibka ah ee ku jira soo xulista Baaralmaanka maamulka Waqooyi Bari?

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay habraaca iyo shuruudaha rasmiga ah ee lagu soo xulayo xubnaha Golaha Wakiillada ee maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya (ex-SSC Khaatumo & Maakhir), kuwaas oo lagu dhaqan gelinayo muddada kala guurka ah ee u dhaxaysa 2025 illaa 2030.

Habraacan cusub oo ay dowladdu soo saartay ayaa si gaar ah diiradda u saaraya xaqiijinta matalaadda haweenka, iyadoo shardi waajib ah laga dhigay in beel kasta oo haysata saddex kursi uu mid ka mid ah kursigaas noqdo mid haweeney lagu asteeyo. Tallaabadan ayaa ujeedadeedu tahay in la gaaro qoondada 30% haweenka ee Golaha Wakiillada, taasoo ah tallaabo lagu xoojinayo sinnaan iyo matalaad dhab ah oo loo siman yahay.

Waxaa sidoo kale la fududeeyey hanaanka ay haweenka isugu diiwaangelinayaan musharraxnimada, iyadoo laga rabo inay bixiyaan lacag dhan $250 oo keliya, halka ragga laga rabo $500. Arrintan ayaa loo arkaa dhiirrigelin iyo dardargelin lagu horumarinayo kaalinta haweenka ee hoggaanka siyaasadeed.

Sidoo kale, soo xulista xubnaha golaha ayaa ku saleysan nidaamka dhaqanka iyo awood-qaybsiga beelaha, waxaana geeddi-socodkaasi lagu qabanayaa hab wadatashi ah oo ay horkacayaan isimada, cuqaasha iyo nabadoonnada beelaha, si waafaqsan dastuurka iyo sharciga federaalka.

Musharraxiinta u tartamaya Golaha Wakiillada waxaa lagu xiray shuruudo la xiriira da’da, dhaqanka, aqoonta iyo in aysan horey ugu lug lahayn dambiyo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in habraacan uu yahay mid muhiim u ah dhismaha maamul loo dhan yahay, islamarkaana sal u noqon doona hanaan doorasho oo xor ah, caddaalad ku dhisan, una dhigma rabitaanka shacabka Waqooyi Bari Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed