Muxuu yahay shirka ay Muqdihso ku leeyihiin dalalka Ciidamada Heeganka Afrikada Bari?

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa martigelinaysa Kalfadhiga 35-aad ee Wasiirrada Gaashaandhigga ee dalalka ku bahoobay Ciidamada Heeganka Afrikada Bari (EASF), shir looga arrinsanayo arrimaha amniga gobolka iyo doorka ay ciidamadan ka qaadan karaan sugidda amniga Bariga Afrika.

Shirka oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galaya Guddiga Taliyeyaasha Difaaca iyo Ammaanka ee Afrikada Bari, wuxuuna noqonayaa shirkii labaad ee noociisa ah oo caasimadda lagu qabto sanadkan gudihiisa.

Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, oo khudbad ka jeediyay furitaanka shirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay si buuxda uga go’an tahay martigelinta shirarkan heer gobol, isagoo xusay in tallaabadan ay muujinayso kalsoonida sii kordheysa ee lagu qabo horumarka amni ee dalka iyo doorka uu ku leeyahay nabadgelyada gobolka. Waxa uu sidoo kale caddeeyay in Soomaaliya ay taageero buuxda u hayso ka mid noqoshada iyo ka qeybgalka Afrikada Bari.

Wuxuu xusay in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu si rasmi ah u ansixiyay Sharciga Aasaaska Ciidamada Heeganka Afrikada Bari, taasoo xoojinaysa ka go’naanshaha dowladda ee iskaashiga amni. Masuuliyiinta shirka ka qeybgalaya ayuu kula dardaarmay inay ka soo saaraan go’aanno wax ku ool ah iyo natiijooyin la taaban karo oo gacan ka geysanaya xoojinta nabadda, amniga iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee dalalka xubnaha ka ah Afrikada Bari.

Dhanka kale, dowladda Soomaaliya ayaa Muqdisho ku soo dhaweysay Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Jabuuti, Xasan Cumar Maxamed, oo ka mid ah masuuliyiinta ka qeybgalaya shirka.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta wada-shaqeynta amni ee dalalka Bariga Afrika, qiimeynta xaaladda amniga Soomaaliya, iyo kaalinta ay Ciidamada Heeganka Bariga Afrika ka qaadan karaan taageeridda nabadgelyada iyo xasilloonida dalka, iyadoo la tixgelinayo in amniga dalalka gobolka uu yahay mid isku xiran.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed