Khabiirka arrimaha militariga, Janaraal Maxamed al-Smadi, ayaa sheegay in Yemen ay wajihi karto weeraro xagga cirka oo ballaaran oo ay hoggaaminayaan Maraykanka, Ingiriiska, iyo Israa’iil, kaas oo noqon kara tallaabo hordhac u ah hawlgal dhulka ah.
Al-Smadi wuxuu ku nuuxnuuxsaday in dalalkan ay u muuqdaan kuwo go’aan ku gaaray inay hirgeliyaan dhowr qorshe oo ka dhan ah kooxda Ansar Allah ama Xuutiyiinta.
Jeneral Al Sdami ayaa farta ku fiiqay in inkastoo uu jiro qorshaha balaarinta hawlgallo ciidan haddana xaaladda militari ee Yemen, ay adkaynayso in si sahlan loo bartilmaameedsado goobaha muhiimka ah ee Xuutiyiinta. Wuxuu soo jeediyay in xogta laga helay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo dayax-gacmeedyada ay taageeri karaan weerarrada xagga hawada.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in hawlgalka uu ku jiri karo ciidamada hawada lagu soo dejiyo iyo hanjabaado loo jeediyo Iiraan si looga hortago faraglin arrintan ku aadan oo loola jeedo taageero ay u fidiso Xuutiyiinta oo ay taageerto.
Bartilmaameedyada muhiimka ah ayaa la filayaa inay noqdaan xarumaha taliska Xuutiga, goobaha laga soo turo gantaalada, iyo nidaamyada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Al-Smadi wuxuu aaminsan yahay in hawlgalka lagu xoojin karo dadaallada ciidamada dawladda Yemen ee caalamka aqoonsan yahay si ay dib ugu qabsadaan awoodda dalka, iyadoo ay taageerayaan dalalka gobolka.
Hanka Gobolka ee Israa’iil
Jeneraal Al-Smadi wuxuu tilmaamay dadaallada Israa’iil ee ku wajahan yihiin xoojinta saameynta iyo awooddeeda gobolka, isagoo carabka ku adkeeyay in yoolkeedu yahay beegsiga khataraha ka hor inta aysan weerar isku beddelin.
Wuxuu tusaale u soo qaatay burburinta Qaza, wiiqida awoodda ururka Xisbullah, weerrada Suuriya, iyo in ay Iiraan ku cadaadisay inay dib uga laabato qorshayaasheeda gobolka.
Si kastaba ha ahaatee, Khabiirku wuxuu ku nuuxnuuxsaday in Israa’iil kaligeed aysan ka bixi karin hawlgalka Yemen, taas oo keentay in la dhiso isbahaysi caalami ah iyo mid goboleed oo hawshan lagu fuliyo.
Khabiirka arrimaha militariga, Janaraal Maxamed al-Smadi, joogitaanka maraakiibta dagaalka ee Maraykanka iyo Ingiriiska ee gobolka iyo hanjabaadaha aan tooska ahayn ee loo jeediyay Iiraan waxay muujinayaan niyad ah in Yemen lagu soo roggo go’doon muddo dheer socon doona.
In kasta oo Xuutiyiintu si wanaagsan u diyaarsan yihiin, Al-Smadi wuxuu saadaaliyay weeraro ballaraan oo hawada oo ay ku lug leeyihiin in ka badan 300 diyaaradood, kuwaas oo sida uu sheegay yeelan doona saameyn xooggan.
Weerarrada Dhawaan Lagu Qaaday Xuutiyiinta
Weeraro ay dhawaan fuliyeen Maraykanka iyo Ingiriisku waxay bartilmaameedsadeen xarumaha Xuutiyiinta ee Sanca, oo ay ku jiraan xarunta “May 22” iyo xarunta Al-Ardi ee Wasaaradda Difaaca Yemen.
Taliska Dhexe ee Maraykanka ayaa xaqiijiyay in weeraradan lagu burburiyay xarumo talis, goobaha wax-soo-saarka hubka, iyo bakhaarro. Waxay sidoo kale ku andacodoeen in la burburiyay goob radaaradu ku rakuban yihiin oo ku taal xeebta, toddobo gantaal, iyo diyaarado aan duuliyaha lahayn oo yiil aggga Badda Cas.
Wargeyska The Times ee London ka soo baxa ayaa soo xigtay ilo amni oo Israa’iil ah oo sheegaya in Israa’iil ay hadda ku jirto diyaar garowga “dagaal buuxa oo ay la galeyso Xuutiyiinta” isla markaana ay diyaarisay “qorshe lagu balaarinayo hawlgallada ka dhanka Xuutiyiinta.
Xigasho: AlJazeera