Muxuu yahay qorshaha & ololaha dhismaha Jubbaland sharciyad leh oo ka gaar ah tan Axmed Madoobe

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa shaacisay qorshe cusub oo ay ku sheegtay “olole dib-u-habeyn ah” oo laga bilaabayo deegaannada maamulka Jubbaland, arrintaas oo dib u hurisay xiisado siyaasadeed oo muddo dheer ka taagnaa xiriirka labada dhinac, isla markaana dhalisay cabsi ku saabsan suuragalnimada iska horimaadyo hubeysan oo cusub.
Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya Cumar Cali Cabdi, oo ka hadlay madal dadweyne oo lagu qabtay Muqdisho, ayaa si kulul u weeraray Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), isagoo ku tilmaamay “kaligii taliye” kuna eedeeyay inuu gobolka Gedo ka dhigay “xannibaad siyaasadeed.”

“Gobolka Gedo, Axmed wuxuu ka dhigay meel uu ku dagaalamo, dowladdii timaada labada sano ee hore wuxuu u jilaa inuu la shaqeynayo, ka joog markii la yiraahdo wuxuu yiraahdaa anay dowladdu ii dan-leedahay. Wasaaradda Arimaha gudaha waxaan ka rajeynaa inay u soo dedejiso dadka reer Gedo maamulkooda, kali talisnimadane ka dulqaado.” ayuu yiri Wasiir Cumar.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in aanay jirin “Jubbaland cusub,” balse uu qiray in “isbedel siyaasadeed iyo mid maamul” ay lama huraan tahay in DFS dedejiso, si loo xoojiyo wada-shaqeynta iyo midnimada dalka.

Dhanka kale, xafiiska Madaxweynaha Jubbaland iyo xildhibaanno federaal ah oo taageersan maamulkaasi ayaa si adag uga jawaabay hadallada wasiirka, iyagoo ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xukuumaddiisa inay “wadaan qorshe lagu dhisayo maamul kale oo ka jira gobolka Gedo,” taas oo ay ku sheegeen “tallaabo halis ah oo lagu kicinayo dagaal siyaasadeed iyo mid militari.”

Xiisaddan cusub ayaa ku soo beegmaysa xilli ay mar kale cirka isku sii shareerayaan khilaafaadka u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo maamul-goboleedyada, iyadoo Jubbaland ay horey u sheegtay in DFS ay faragelin toos ah ku hayso arrimaheeda gudaha.

Go’aankan lagu sheegay “dhismaha maamul sharciyad ka heysta DFS” ayaa soo shaac baxay dhamaadkii toddobaadkii hore, kadib markii ay fashilmeen wadahadaladii Kismaayo ee labada dhinac. Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi laga dareemayo guux siyaasadeed oo ku aaddan qorshaha lagu dhisayo maamul ka madaxbannaan kan Madaxweyne Axmed Madoobe.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed