Muxuu yahay qorshaha laamaha ammaanka ka wadaan Muqdisho ee saameynta ku leh Bajaajta

Ciidamada Nabad Suggida Somaliya ayaa bilaabay howlgal ay ku beegsanayeen Mootooyinka ka shaqeeeya Magaalda Muqdisho, ka dib markii ay gacanta ku soo dhigeen walxaha qarxa oo lagu soo dhex qariyay sameecado.

Askarta booliiska oo la soo dhoobay waddooyinka waa weyn ee caasimadda ayaa beegsanaya sameecadaha cod-baahiyaasha si meesha loog saaro sameecadaha culus ee Mootooyinka Muqdisho ay caanka ku yihiin sida aan ka soo xiganeyno qaar ka mdi ah darawalada ka ku shaqeysta.

Howlgalku wuxuu dhaliyay cabasho ka timid darawallada Mootooyinka Bajaajta, kuwaas oo ku doodaya in soo jiidashada macaamiisha ay qeyb ka tahay sameecadaha marka suuqa la joogo.

“Waxaan ku soo jiidaneynaa rakaabka,” ayuu yiri mid ka mid ah wadayaasha darawalada Mootooyinka.

Waxaa uu sii raaciyey “Hadii meesha laga saaro sameecadaha, dadku ma ina raacayaaan, waxaan ka codsanayaa ciidamada amniga inay dib u eegaan go’aankan”.

Howlgalladan ayaa ku soo aadaya iyadoo todobaadkii hore duleedka magaalada Muqdisho ay laamaha ammaanka ay qabteen gaari Probox ah oo ay ku rarnaayeen cod-bixiyeyaal lagu soo qariyey waxyaabaha qarxa, kuwaa oo la tilmaamay in la doonayey in lagu weeraro Caasimadda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed