Shiinaha ayaa dhawaan soo bandhigay muuqaal cusub oo xayeysiin ah oo ku saabsan markabka xambaara diyaaradaha ee Fujian, kaas oo ah kii saddexaad ee ku biira ciidanka badda ee Shiinaha. Fujian waxa uu astaan u yahay horumarka xooggan ee ay ku socoto awoodaha militariga Shiinaha, kaas oo sanad walba ku daraya tiro badan oo maraakiib ah ciidankiisa. Fujian waxaa lagu tilmaamaa “Masduulaaga Shiinaha.”
Markabka Fujian, si ka duwan labadii markab ee hore oo ku tiirsanaa naqshado Ruush ah ama taageero shisheeye, waxa gebi ahaanba naqshadeeyey oo soo saaray Shiinaha, taas oo muujinaysa horumar muuqda oo ka socda warshadaha difaaca ee dalkaas.
Awoodaha Farsamo
Markabkan Fujian waxa uu dhererkiisu dhan yahay 316 mitir, ballaciisuna waa 75 mitir, culeyskiisu wuxuu dhan yahay 85,000 tan, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah maraakiibta diyaaradaha xambaara ee ugu waaweyn caalamka, isla markaana ka weyn kana miisaan badan markabka Faransiiska ee Charles de Gaulle.
Fujian waa markabkii ugu horreeyey ee Shiinaha ah oo leh nidaamka Catobar oo ku rakiban sagxada markabka ee diyaaraduhu ku cararaan ama ku soo degaan oo u sahlaysa diyaarada inay ku kacdo xawaare sare wuxuuna la mid yahay kan ciidamada badda ee Mareykanka, kaas oo diyaaradaha u oggolaanaya inay ku duulaan iyagoo xambaarsan hub culus iyo shidaal, waxayna oo kordhinaysa masaafada iyo waxqabadka hawlgallada dagaalka.
Markabkan cusub waxa uu adeegsadaa nidaamyo casri ah oo elektromagnetic ah si loogu raro diyaaradaha, taas oo ah farsamo ay kaliya haystaan ciidamada badda Mareykanka ee markabka Gerald Ford. Tani waxay Shiinaha gelinaysaa liiska dalalka ugu horreeya ee tignoolajiyadan.
Muuqaalka ugu dambeeya ayaa soo bandhigay diyaaradaha kala duwan ee markabka Fujian uu qaadi doono, sida J-35, oo ah diyaarad ka dhuumata raadaarka oo qarsoodi ah ahna jiilka shanaad oo aad ugu eg diyaaradaha Mareykanka ee F-22 iyo F-35, kadibna J-12T oo ka soo farcamay Sukhoi-33 ee Ruushku farsameeyo iyo diyaaradda raadaarka KJ600, oo ah nuqul ka mid ah kuwa E-2C Hawkeye ee Mareykanka.
Guud ahaan, markabka Fujian waxa uu qaadi karaa ilaa 64 diyaaradood muddo 45 maalmood ah isagoo si buuxda u madaxbannaan ama aan u baahan wax caawimaad ah, taas oo kordhinaysa awoodda iyo gaaritaanka ciidamada badda Shiinaha.
Himilooyinka Badda ee sii kordhaya
Iyada oo la dhisay markabka Fujian, Shiinuhu waxa uu muujinayaa isbeddel cusub oo ku saabsan istiraatiijiyaddiisa badda, isaga oo doonaya inuu ka gudbo “silsiladda koowaad ee jasiiradaha” ee ka bilaabanta Kuril ilaa Borneo. Muddo dheer ciidamada badda Shiinaha waxay ku koobnaayeen xeebaha u dhow oo keliya.
Furitaanka saldhigii ugu horreeyey ee milatari ee dibadda ee Shiinaha ee Jabuuti sanadkii 2017 ayaa caddeyn u ah himiladan, maadaama ay u noqotay meel taageero istiraatiiji ah oo ku taal marinnada ganacsiga caalamiga ah ee badda, gaar ahaan meel u dhow marinka Suweys.
Shiinaha waxa uu dhisaa ciidan la mid ah cabbirka ciidanka badda Faransiiska shan sano kasta, waxaana uu durba dhaafay ciidamada badda Mareykanka marka la eego tirada maraakiibta. Ujeeddadiisu waa in uu gaaro 400 markab sanadka 2040.
Markabka Fujian waxa uu door weyn ka ciyaari doonaa dagaal kasta oo mustaqbalka dhaca, gaar ahaan haddii Shiinaha go’aansado inuu ku duulo Taiwan. Joogitaanka markab sida Fujian ah bariga Taiwan waxa uu yeelan doonaa door hanjabaad oo muhiim ah, isaga oo goyn kara khadadka saadka iyo taageerada ka imanaysa dibadda, gaar ahaan Maraykanka.
Warbixintan oo ay daabacwaday jariirada Le Pen ee Faransiiska ka soo baxda ayaa lagu soo gabagabeeyay in soo saarista markabka Fujian ay muujinayso in markab xambaara diyaarado weli uu yahay qalab istiraatiiji ah oo muhiim u ah soo bandhigista awoodda iyo saamaynta meel ka fog xeebaha, inkastoo falanqeeyayaashu ay weli ka shaki qabaan mustaqbalkooda sababo la xiriira horumarinta gantaallada lidka markabka.
HBN ONLINE TV