Muxuu yahay isbeddelka ku yimid xisbiga Labour-ka ee aqoonsiga Falastiin?

Hoggaamiyaha xisbiga Labour-ka ee dalka Britain Sir Keir Starmer ayaa lagu soo waramayaa in uu dib u dhigi doono aqoonsiga Falastiin uu u aqoonsan lahaa dawlad rasmi ah haddii xisbigu uu ku guulaysto doorashada todobaadka dambe ka dhacaysa UK ,isla markaana uu soo dhiso dowladda soo socota, waxaana tani ay ka duwan tahay ballanqaadkii xisbigaasi uu ku soo bandhigay barnaamijkiisa doorashada ee ahaa in haddii ay ku guulaystaan doorashada ay Falastiin u aqoonsan doonnaan dawlad madaxbannaan.

Tilaabadan aya lagu macneeyay inay ugu wacan tahay Keir Starmer oo loo badinayo in Jimcahan kiisa kale uu noqdo Ra’isalwasaaraha cusub ee UK uu ka walaacsan yahay in haddii uu qaato go’aanka aqoonsiga Falastiin in uu halis gelin doono xiriirka Britain iyo Mareykanka, sidaasi waxaa qoray wargeyska The Times ee ka soo baxa magaalada London.

Hogaamiyaha xisbiga shaqaalaha ayaa horey u balanqaaday in uu aqoonsan doono dowlad xor ah Falastiiniyiintu leeyihiin, waxaana uu sheegay in taasi ay qeyb ka noqon doonto heshiis nabadeed oo Israel la gasho dalalka kale ee Bariga Dhexe.

Sir Keir oo markii uu bixinayay ballanqaadkaasi wuxuu yiri “Taasi waxay u baahan tahay inay qayb ka noqoto geeddi-socodka , aad ayay muhiim u tahay inaan helno dowlad Falastiini ah oo shaqeysa oo ka garab dhisan Israel oo ammaan ah.”

Hadalladaasi Mr Starmer uu jeediyay toddobaadyo ka hor ayaa waxay ku yimaadeen cadaadis uu kala kulmay xubnaha xisbiga ee garabka bidix, laakiin hadda waxay u muuqata in isbeddel uu ku yimid aragtidaasi sida uu qorayo wargeyska the Times, xubnaha ku hareeraysan Keir Stramer ayaa walaac ka muujinaya in haddii uu qaato go’aanka aqoonsiga dawlad Falastiin ay yeelato ay taasi ka dhigi doonto go’doon uu kala kulmo xulafada waaweyn ee UK sida Mareykanka.

Ilo ku dhow Sir Keir ayaa u sheegay wargeyska in aqoonsiga Britain ee Falastiin uu yahay “qorshe” ayna yeelan doonto saameynta ugu badan haddii lagu sameeyo “hannaan xulafadu u dhan tahay”. Waxayse beeniyeen in Maraykanku uu saameyn ku yeelan doono waqtiga ku dhawaaqida.

Inkastoo xisbiga Labour-ka ay ku soo dareen barnaamijkooda aqoonsiga Falastiin haddana Stammer ayaa bishii la soo dhaafay wuxuu hoos u dhigay soo jeedinta aqoonsiga dawladda Falastiiniyiintu yeeshaan oo Britain aqoonsato isagoo ku soo koobay in ay dhici doonto wakhti kasta oo dhow.

Dalal dhowr ah oo reer Yurub ah sida Ireland, Spain, Norway & Slovenia ayaa ku dhaqaaqay inay aqoonsadeen dowladnimada Falastiin.

Xisbiga shaqaalaha ee Sir Keir Starmer hoggaamiyo ayaa waxaa hareeray khilaafka gudaha,iyadoo hoggaamiyaha uu la kulmay dhaleecayn ah in aanu ku baaqin xabbad-joojin degdeg ah bilowgii dagaalka Gaza.

Bishii Nofembar ee sannadkii hore, xubno sar sare oo ka mid ah xisbiga ayaa hareer maray mowqifka Sir Keir iyagoo ku baaqaan xabbad-joojin degdeg ah oo laga hirgaliyo Gaza, xubnahaasi ayaa waxaa ka mid ahaa Naz Shah, Paul Barker iyo Afzal Khan oo ka mid ahaa xildhibaanada xisbiga intii aan kala dirin Baarlamanka doorashada dhacaysa awgeed.

Ku dhawaad 10 xubnood oo ka mid ahaa masuuliyiinta sar sar ee xisbiga iyo tobonaan kale oo matalayay golayaasha deegaanka ayaa si cad uga horyimid siyaasada xisbiga ee ku aadan dagaalka Gaza, iyagoo qaarkood iska casileen xillalkoodii waxaana ay doorteen in si madaxbannaan ay u tartamaaan.

Xisbiga ayaa kala kulmay dhaleecayn bulshada Muslimiinta waxaana doorashooyin ka dhacay deegaanada Muslimiintu ku badan yihiin , doorashinkaasi oo lagu buuxiyay kuraas bannaanatay looga adkaaday musharaxiin xisbiga ka socday.

The Times + HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed