Muxuu yahay hal qodob ee uu taageeray Madaxweyne Xasan Sheekh ee ka soo baxay shirkii mucaaradka Kismaayo?

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si degdeg ah uga jawaabay bayaankii ka soo baxay shirkii ay mucaaradku ku soo gabagabeeyeen magaalada Kismaayo, isagoo taageeray hal qodob oo keliya oo ku jiray shirkaas, kaas oo ahaa baaqa ku saabsan wadahadal iyo wada-xaajood siyaasadeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda federaalku ay si wanaagsan u soo dhoweyneyso dalabka la xiriira wadahadalka, isla markaana ay gogosha wadahadalku u furan tahay dhammaan dhinacyada siyaasadeed ee ay khusayso arrintaasi. Wuxuu xusay in horumarka dalka uu soconayo, isla markaana aysan jirin dib-u-noqosho laga sameynayo hanaanka siyaasadeed ee hadda jira.

“Shirkii Kismaayo hal qodob oo keliya ayaan ka qaatay, waana in la wada-hadlo. Gogosha way furan tahay, balse hore ayaan u soconaynaa, dib-u-noqosho ma jirto,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in dowladda ay ka fiirsan doonto qodobadii kale ee ka soo baxay shirkii mucaaradka, isla markaana ay soo saari doonto jawaab rasmi ah, isagoo tilmaamay in wixii dan u ah dalka iyo dadka la qaadan doono, xilli uu dalka wajahayo xaalado siyaasadeed oo u baahan is-afgarad iyo wadahadal ballaaran si loo xoojiyo midnimada iyo xasilloonida dalka.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed