Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaciyay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka, kadib wareegto uu soo saaray madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, taas oo dhalisay hadal-heyn xooggan iyo falcelin siyaasadeed.
Wareegtada oo ku taariikheysan 23-ka Maarso 2026 ayaa lagu magacaabay guddi ka kooban guddoomiye, ku-xigeen, xoghayaha guud iyo xubno kale, kuwaas oo loo xil saaray diyaarinta iyo hirgelinta doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed.
Guddoomiyaha guddigan oo laga dhigay Shuceyb Nuur Xuseen ayaa la sheegay inuu yahay sida ay ilo madaxbanaan xaqiijiyeen sawir-qaadihii gaarka ahaa ee Laftagareen. Magacaabistan ayaa si weyn loogu falanqeeyay warbaahinta iyo baraha bulshada, iyadoo la tilmaamay in xubnaha guddiga qaarkood si dhow ugu dhow yihiin madaxweynaha, arrintaas oo keentay su’aalo la xiriira madax-bannaanida guddiga ee doorasho hufan.
Dhanka kale, Magacaabistan ayaa durba heshay taageero siyaasadeed oo ka timid qaar kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee taageersan maamulkaas, iyagoo xusay in guddigan cusub uu gacan ka geysan doono xasiloonida siyaasadeed iyo mideynta aragtida bulshada ee ku aaddan doorashooyinka.
Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka mid ah masuuliyiinta sida cad u soo dhaweeyay go’aankan ayaa sheegay in dhismaha guddigan uu yahay “tallaabo sharciyeysan oo muhiim u ah hirgelinta doorashooyin hufan oo ka dhacda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.”
Saacadihii la soo dhaafay, Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS oo sheegtay in muddo-xileedka mdaxweynaha Koonfur Galbeed uu dhamaaday, waxayna sheegtay inay qabanayso doorasho loo dhan yahay, iyada oo hay’addaha maamulka ka dalbatay in amarada iyo qaabka doorashada kala shaqeeyaan wasaaradda arimaha gudaha Federaalka.
HBN ONLINE TV

