Maxkamadda Racfaanka ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa go’aan ka gaartay dacwad horay looga keenay xildhibaanada Soomaaliya ee loo doortay Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika (EALA), iyadoo go’aamisay in meesha laga saaro dacwadihii la soo gudbiyey.
Sida uu xaqiijiyey masuul ka tirsan dowladda Soomalaiya, ayaa sheegay in Maxkamaddu ay ganafka ku dhufatay, meeshana ka saartay dhammaan eedihii lagu soo oogay hanaanka loo maray doorashada xildhibaanada, waxayna caddeysay in nidaamka doorashada Soomaaliya ee ku saleysan qaabka 4.5 uu yahay mid sharci ah, maadaama dalka uusan weli u gudbin nidaam doorasho oo ku dhisan axsaab siyaasadeed.
Doodihii horay loo soo jeediyay ee ku saabsanaa in doorashadu aysan ku dhisnayn nidaam xisbiyeed ayay maxkamaddu ku tilmaantay kuwo aan lahayn sal-sharciyadeed, iyada oo carrabaabtay xildhibaanadu yihiin kuwo sharci ah isla markaana la dhaarin karo.
Habdhawraha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) oo goobjoog ka ahaa fadhiga maxkamadda, ayaa sheegay in go’aanka maxkamaddu uu si buuxda u xaqiijiyay sharciyadda xildhibaanada, isla markaana uu furay waddada dhaarintooda.
Si kastaba ha ahaatee, ka hor inta aysan xildhibaanadu fariisan Golaha Baarlamaanka Bariga Afrika, waxaa jira shuruud dhaqaale oo saaran Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo ah bixinta qaaraanka sanadlaha ah ee xubinnimada Bulshada Bariga Afrika, kaas oo ku kacaya $7.5 Milyan sanadkii.
Go’aankan ayaa loo arkaa guul weyn oo u soo hoyatay Soomaaliya, maadaama uu xoojinayo kaalinta dalka ee Bulshada Bariga Afrika, islamarkaana uu suuragelinayo in Soomaaliya si buuxda uga qayb qaadato arrimaha horumarka, isdhexgalka iyo go’aan-qaadashada gobolka.
Soomaaliya ayaa uga mahadceliysay dhammaan intii ka qayb qaadatay difaaca kiiskan, iyadoo hoosta ka xarriiqday in go’aankan uu yahay mid kor u qaadaya sumcadda, qarannimada iyo doorka Soomaaliya ee mandaqadda Bariga Afrika.
HBN ONLINE TV

