Muxuu yahay dhaqdhaqaaqa ciidan ee ka socda magaalada Muqdisho?

Magaalada Muqdisho ayaa si weyn looga dareemayaa diyaar-garowga xuska maalinta 12-ka Abriil, oo ah maalinta loo asteeyay aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS). Waddooyinka waaweyn ee caasimadda ayaa lagu arkayaa ciidamo tababarro iyo dhoolatusyo ku jira, iyadoo la qurxinayo xarumaha dowladda iyo fagaarayaasha lagu qaban doono munaasabadda.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa si rasmi ah loo aasaasay 12-kii Abriil sanadkii 1960, xilli ka horreeyay midowgii gobolladii Waqooyi iyo Koonfur ee Soomaaliya. Tan iyo xilligaas, ciidanku wuxuu door muhiim ah ka qaatay difaaca qaranka, ilaalinta madaxbannaanida, iyo dagaalladii lala galay Itoobiya si gaar ah kii 1977-kii oo ay ka gaareen guulo lama ilaawan ah.

Munaasabadda sanadkan ayaa la filayaa inay ka soo qeyb galaan madaxda sare ee dowladda, saraakiisha ciidamada, iyo marti sharaf kale. Dhoolatusyo milatari, bandhigyo muujinaya taariikhda ciidanka, iyo abaalmarinno la guddoonsiinayo askarta muujisay geesinimada ayaa qeyb ka noqon doona xuska xilliyadan oo dalku dagaal kula jiro kooxaha Al Shabaab, sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhiga oo ka hadlay diyaar garowga ay ku jiraan.

Kadib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu wajahday hoos u dhac iyo kala daadsanaan. Si kastaba ha ahaatee, dadaallo ballaaran oo ay hormuud ka ahaayeen dowladdihii Federaalka Soomaaliya, kanaashanaya taageerada beesha caalamka, ayaa lagu guuleystay dib u dhiska iyo tayeynta ciidanka. Tababarro gudaha iyo dibadda ah, qalabeyn casri ah, iyo mideynta cutubyada kala duwan ayaa qeyb ka noqday geeddi-socodkan dib u dhiska ah.

Maanta, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay door muuqda ka ciyaaraan sugidda amniga, la dagaallanka kooxaha Al Shabaab & Daacish.

Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in Xuska 12-ka Abriil uusan ahayn oo kaliya munaasabad, balse waa maalin lagu maamuuso halyeeyadii naftooda u huray difaaca qaranka, isla markaana lagu xoojiyo dareenka waddaninimo iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii, diyaar-garowga ka socda Muqdisho wuxuu ku soo aadayaa xilli ciidamada ammaanku ku guulaysteen xasilinta & amniga magaalada caasimada oo sanado badan amnigeedu uu liidatay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed