Muxuu yahay dagaalka mideeyay mucaaradka & dowladda Soomaaliya ee shalay dhacay?

Dagaalkii Ceeldheer ayaa sababay in dowladda iyo mucaaradka ay isku mowqif ka noqdaan bogaadinta iyo taageerada loo jeediyay ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka, kuwaas oo halkaas khasaaro culus ku gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.

Mas’uuliyiin kala duwan ayaa buux dhaafiyay isbitaallada magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu dabiibayo askartii ku dhaawacantay dagaalka, iyadoo qaar kalena fariimo bogaadin ah u soo direen.

Arrinta sida weyn u soo jiidatay shacabka ayaa ahayd in dagaalkii Ceeldheer uu horseeday midnimo siyaasadeed oo aan horay loo arag. Dad badan ayaa baraha iyaguna ka diray fariimo miisan culus ah oo bogaadin iyo garab istaag isugu jiray.

Siyaasiyiinta mucaaradka sida Xildhibaannada Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Yaasiin Fareey, Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed, iyo laba Ra’iisal Wasaare hore, Xasan Cali Khayre iyo Maxamed Xuseen Rooble oo inta badan dhaliila dowladda, ayaa si
mug leh ugu hambalyeeyay ciidamada xoogga dalka guusha ay gaareen.

Tallaabadaasi waxaa loo arkay calaamad muujinaysa isku duubni qaran. Fariimaha ay soo saareen oo isku dhaw ayey si wadajir ah ugu yiraahdeen “Waxaan bogaadinayaa Ciidamada Qaranka iyo kuwa difaaca shacabka ee ka hortagay weerarka kooxda argagixisada Al-Shabaab ay ku soo qaaday degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud. Geesinimada ay muujiyeen waxay ka tarjumaysaa kartida ay leeyihiin ciidamadeenna iyo shacabka deegaanka.”

Waxay ku adkeeyeen in dagaalka Al-Shabaab uu yahay “mas’uuliyad wadareed” loona baahan yahay in loo midoobo, halkaa ay shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeen inay garab istaagaan ciidanka qaranka.

Warbaahinta dowladda iyo tan gaarka loo leeyahay ayaa si isku mid ah u baahisay muuqaallada iyo fariimaha taageerada mucaaradka iyo muxaafidka, kuwaas oo dhammaantood ku bogaadiyay halganka ciidamada qaranka. Sidoo kale, siyaasiyiin badan oo mucaarad ah oo saraakiil hore ciidan ku jiraan ayaa booqday dhaawacyada ciidanka lagu dabiibayo Isbitaalada Muqdisho, iyagoo ku ammaanay geesinimada iyo naf-hurnimada ay muujiyeen ciidamada.

Dagaalkii Ceeldheer ayaa noqday dhacdo ka duwan kuwii hore, maadaama uu mideeyay codka siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo dhammaantood isku raacay in guusha ciidamada ay tahay mid qaran.

Xaaladda degmada ayaa deggan, balse ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa weli wada howlgal lagu sifeynayo goobihii dagaalka iyo uruurinta meydadka Al-Shabaab.

Dhanka kale, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo faahfaahin ka bixiyay khasaaraha dagaalka, ayaa sheegay in dhimashada kooxda Al-Shabaab ay gaartay illaa 60 xubnood, halka dhaawacooduna uu kor u dhaafay 50 kale.

Dhanka ciidamada dowladda ayaa waxaa ku dhintay 6 askari, halka dhaawacyo fudud soo gaareen 14 kale, sida uu xaqiijiyay maamulka Galmudug, inkasta oo taliska ciidamada xoogga uusan soo saarin war rasmi ah oo arintaan ku aadan. Sidoo kale Wasiir Fiqi ayaa sheegay in ciidanku ay fashiliyeen gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu doonayay in lagu fuliyo weerarka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed