Muxuu yahay amar culus ee gobolka Banaadir duldhigay Ganacsatada Muqdisho?

Maamulka gobolka Banaadir ayaa amray in si buuxda dib loogu soo celiyo isticmaalka Shilinka Soomaaliga, kaddib markii maalmihii la soo dhaafay ganacsato badan ay diideen qaadashadiisa.

Go’aankan ayaa lagu gaaray kulan dhexmaray maamulka gobolka Banaadir iyo ganacsatada, kaas oo looga hadlay caqabadaha ka taagan isticmaalka lacagta Shilinka, gaar ahaan hoos u dhaca qiimaheeda.

Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab), ayaa si cad u sheegay in ganacsade kasta oo diida qaadashada Shilinka Soomaaliga uu galay dambi, isagoo adkeeyay in aan la aqbali karin diidmada lacagta dalka, maadaama ay tahay tiir muhiim u ah dhaqaalaha iyo jiritaanka qaranka.

Dhanka kale, ganacsatada iyo gaadiidleyda ayaa sheegay in dhibaatada ugu weyn ay tahay qiimo-dhaca Shilinka, iyagoo soo jeediyay in xal waara lagu gaari karo oo keliya haddii la soo daabaco lacag cusub oo tayo leh.

Isniintii todobaadkan, Qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa lagu waa bariistay isbeddel dhaqaale oo degdeg ah, kadib markii ganacsatada, gaadiidka dadweynaha iyo goobaha ganacsi ee hoose ay diideen qaadashada lacagta shilinka Soomaaliga, iyada oo maalin ka dibna ku faaftay gobollada Baay iyo Bakool, kuwaa suuqyada Jowhar iyo Baydhabo laga diiday isticmaalka lacagta kali ah ee dalku leeyahay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed