Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa amar ku bixisay in xubnaha Golaha Wasiirrada, kana tirsan Baarlamaanka Federaalka ay baneeyaan mid ka mid ah xilalka ay hayaan, tallaabadan oo la tilmaamay mid ku saleysan dhaqan-gelinta qodobbada dastuurka cusub, iyada oo xubnaha la faray in ay kala doortaan wasiirnimo ama xildhibaanimo.
War-saxaafadeed ka soo baxay Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa lagu caddeeyay go’aankan, wuxuuna faray hay’adaha dowladda in si degdeg ah looga fuliyo amarkan. Waxaa sidoo kale lagu adkeeyay in aan la isku dari karin laba xil.
Wasiiro ka tirsan xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa si gaar ah loo faray inay go’aankan qaataan, maadama qeyb ka mid ah yihiin Xildhibaano. Waxaa la hor dhigay laba doorasho oo kala ah inay sii ahaadaan wasiirro ama xubno ka tirsan Baarlamaanka labadiisa gole.
Hadda, su’aashaan culus waxay hortaalaa 25 Wasiir oo 15 ka mid ah ay ka tirsan yihiin Mudanayaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, uuna ku jiro Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Saalax Jaamac oo isna ka tirsan Aqalka Sare. Go’aankan kuma eka oo kaliya wasiiradda dowladda dhexe, balse waxaa lagu soo daray Goleyaasha Wakiillada Dawlad Goboleedyada.
“Xubnaha Golaha Wasiirrada ee ka midka ah labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ama Goleyaasha Wakiillada Dawlad Goboleedyada waa in ay banneeyaan xilka muddada ku xusan Qodobka 191aad, Faqradda 2aad si waafaqsan Qodobka 81aad, Faqradda 1aad, xarafka (f) iyo Qodobka 117aad, Faqradda 3aad, xarafka (a) ee Dastuurka. Sidoo kale, xilkii danbe oo la magacaabayo waa in loo raacaa habraaca ku xusan Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri warka guddiga dastuurka.
Mas’uuliyiinta cusub ee la magacaabayo ayaa lagu wargeliyay in loo maro habraaca dastuurka cusub.
“Tallaabo maamul kasta, magacaabis kasta iyo dhaar kasta oo ay fulinayso hay’ad dawladeed waa in loo raacaa axkaamta ku xusan Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Tallaabo ama arrin kasta oo kasoo horjeeda Dastuurka waxa ay noqonaysaa waxba kama jiraan, waxaana waajib dastuuri ah noqonaysa in la saxo oo laga dhigo mid sharci ah” ayaa lagu yiri markale warka Guddiga.
Dastuurka cusub ayaa waxaa bishii hore saxiixay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo xustay in tallaabadan ay qeyb ka tahay xoojinta nidaamka dowladnimo iyo kala saaridda awoodaha.
HBN ONLINE TV

