Muxuu Turkigu kaga jawaabay eedda dalkiisa loo jeediyey ee ah inay kaligooda guranayaan kheyraadka Soomaaliya?

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in ololaha shidaal qodista badda ee dalkiisu ka bilaabay Soomaaliya uu salka ku hayo iskaashi iyo barwaaqo-wadaag, isagoo xusay in aysan ujeedadoodu ahayn ka faa’iideysi kheyraadka Soomaaliya, laakiin se ay rabaan horumar wadajir ah.

Markabka qodista shidaalka ee Çağrı Bey ayaa 10-kii bishan Abriil soo gaaray xeebaha Soomaaliya, isagoo bilaabay howlgalkii ugu horreeyay ee shidaal qodis badweyn ah oo Turkigu ka fuliyo dibadda, kaddib heshiis labada dal ay wada saxiixdeen sanadkii 2024. Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in howlahaas hadda lagu fulinayo awoodda gudaha ee Turkiga sida maraakiibta, injineerada iyo shaqaalaha.

Wasiirka Tamarta Turkiga, Alparslan Bayraktar, ayaa mashruucan ku tilmaamay mid taariikhi ah, iyadoo labada dowladood ay u arkaan guul istaraatiiji ah. Ceelka ugu horreeya ee la beegsanayo oo la yiraahdo Curad-1 ayaa qiyaastii 372km u jira Muqdisho, waxaana la qorsheeyay in laga qodo biyo qoto dheer oo gaaraya 3,500 mitir.

Howlgalkan ayaa la sheegay inuu noqonayo mid ka mid ah qodista shidaalka ugu qoto-dheer ee abid laga sameeyo gobolka, waxaana lagu qiyaasay inuu socon doono ilaa 288 maalmood. Dowladda Soomaaliya ayaa u aragta mashruucan fursad dhaqaale oo muhiim ah oo kor u qaadi karta dakhliga dalka isla markaana soo jiidan karta maalgashi shisheeye.

Si kastaba ha ahaatee, mashruuca ayaa dhaliyay dood siyaasadeed, iyadoo siyaasiyiin mucaarad ah ay ku dhaliileen heshiiska shidaalka, iyagoo ku andacoonaya inuu Turkiga siinayo awood ballaaran oo ku saabsan kheyraadka mustaqbalka, gaar ahaan dhinaca soo-celinta kharashka.

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u difaacday heshiiska, iyadoo sheegtay in dalka uusan lahayn awood dhaqaale iyo mid farsamo oo uu kaligiis ugu fulin karo qodista shidaalka badda, islamarkaana iskaashigan uu yahay mid lagama maarmaan u ah horumarinta kheyraadka dabiiciga ah iyo kobcinta dhaqaalaha mustaqbalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed