Muxuu kala hadlay madaxweyne Xasan Sheekh masuuliyiinta Cadale oo maalmahaan kulamo xasaasi ah uu ka waday Shabellaha dhexe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmo ku sugan degmada Cadale ayaa kula kulmay qaar ka mid ah odayaasha, waxgaradka, hoggaanka Macawisleyda iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaannada gobolka shabeellaha dhex.

Intii uu kulanku socday, Madaxweynaha iyo madaxda uu la kulmay ayaa adkeeyey sida madaxtooyada Soomaaliya sheegtay muhiimadda ay leedahay dardargelinta dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab.

Wadahadalaan oo saacihii la soo dhaafay lagu gorfeynayey sida loo dejinayo siyaasadda dagaalka lagu wajahayo Alshabaab ayaa lagu adkeeyey muhiimadda ay leedahay garab istaagga Ciidamada dowladda , waxaana dhinacyada balan qaadeen inay ka go’an tahay dardar gelinta howlgalka ka dhanka ah Alshabaab ee deegaannadooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Khamiis ka degay degmada Cadale ayaa madaxtooyada Soomaaliya sheegtay inuu ka agaasime doono sida hadalka ay u dhigtay howlgalka xoreynta dalka, isagoo jiidda hore kulammo kula qaadan doona Ciidamada Qalabka Sida, Madaxda iyo bulshada deegaanka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed