Shir ballaaran oo ay isugu yimaadeen isimada dhaqanka, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Nugaal ayaa lagu soo saaray xeerar cusub oo lagu hagaajinayo dhaqanka iyo xiriirka bulshada, si looga hortago caqabadaha jira, gaar ahaan dilalka kasda ah.
Qodobada ugu muhiimsan ee xeerka ayaa lagu caddeeyay in qof kasta oo si bareer ah u dila qof kale lagu fulin doono ciqaab dil ah, sida ay dhigeyso shareecada Islaamka, iyadoo meesha laga saaray dhaqankii mag qaadashada.
Waxaa sidoo kale la go’aamiyey in magta ninka lagu saleeyo 100 halaad oo xoolo ah, iyadoo si cad loo sheegay inaan wax lagu dari karin, taasoo meesha ka saaraysa culaysyo dhaqaale oo horay u jiray.
Sidoo kale, Bulshada gobolka Nugaal waxay si rasmi ah u mamnuuceen yaradka khasabka ah ee gabadha laga qaato xilliga guurka, arrin loo arko qayb ka mid ah dadaallada lagu yareynayo culayska dhaqaale iyo ilaalinta xuquuqda dumarka.
Isimada dhaqanka ayaa sheegay in xeerarkan cusub lagu doonayo in lagu yareeyo khilaafaadka, dhiigga daata, iyo culaysyada dhaqaale ee aan loo baahnayn, isla markaana lagu ilaaliyo shareecada Islaamka iyo qiyamka dhaqanka.
Go’aamadan cusub oo ay taageereen dhammaan dhinacyada bulshada ayaa loo arkaa kuwo horseedi kara nabad waarta, isku duubni iyo cadaalad ku saleysan shareeco iyo dhaqan.
HBN ONLINE TV