Muxuu go’aanka ay Puntland gabi ahaanba mamnuucday khamaar dhanka internet-ka ah?

Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo maanta ka qabsoomay magaalada Garoowe, uuna guddoomiyey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa looga hadlay xaaladda guud ee deegaannada Maamulkaasi.War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu xaqiijiyay in golaha wasiirrada gabi ahaanba amreen in la mamnuuco khamaarka internet-ka ee loo yaqaanno 1xBet.

Bayaanka ayaa farriin loogu dirtay shirkadaha isgaarsiinta, iyadoo la amray in si dhameystiran loo joojiyo adeegyada 1xBet ee laga isticmaalo deegaanada Puntland.

“Golaha Wasiirada ayaa markale ku celiyay in Puntland uu mamnuuc ka yahay Khamaarka (1xBet), waxaana lagu wargeliyay Hay’adaha iyo Shirkadaha Isgaarsiinta in si dhameystiran loo joojiyo,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay madaxtooyada.

Go’aankan ayaa ku soo aadaya xilli muddooyinkii u dambeeyey ay soo kordhayeen cabashooyinka waalidiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ee ku aaddan saamaynta xun ee khamaarka 1xBet uu ku yeeshay amniga iyo akhlaaqda dhallinyarada.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed