Muwaadiniintii ugu horreysay ee Israa’iil ka socda oo si weyn loogu soo dhaweeyey Somaliland

Muwaadiniintii ugu horreysay ee ka socda Israa’iil ayaa maanta soo gaaray magaalada Hargeysa, halkaas oo ay Somaliland u sameysay soo dhaweyn ballaaran oo ay ka qeybgaleen boqolaal shacab ah iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumadda.

Xubnahaan ka yimid Israa’iil ayaa socdaallo ku dhex maray waddooyinka waaweyn ee magaalada Hargeysa, iyagoo watay calanka Israa’iil isla markaana xirnaa koofiyadaha caanka ah ee ay Yuhuuddu isticmaalaan.

Shacabka magaalada Hargeysa ayaa muujiyey soo dhaweyn heer sare ah, iyadoo galinkii dambe ee isla maanta fagaarooyin ka mid ah magaalada lagu qabtay dibadbaxyo lagu taageerayo aqoonsiga ay Somaliland sheegtay inay ka heshay xukuumadda Tel Aviv.

Waxaana wali ka soconaya meelo badan oo Somaliland ah isu soo baxyada iyo dabaaldegga aqoonsiga ee soo bilowday galinkii dambe ee Jicmihii aan ka soo gudubnay .

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed