Lix muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo sannado ah ku xayirnaa dalka Liibiya ayaa maanta dib loogu celiyey magaalada Muqdisho, kaddib markii ay iska kaashadeen dadaallo dib u celin ah oo ay sameeyeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaliya iyo Xafiiska Socdaalka, soo laabashada & Xaquuqda dhalinyaradan ayaa waxaa Soomaaliya gacan ka siiyay saaxiibo caalami ah, sida ay dowladdu sheegtay.
Dhalinyaradan ayaa sanado badan oo xabsi iyo dhibaato ku soo maray dalka Liibiya, iyaga oo muujiyay xaaladaha adag ee ay la kulmaan muhaajiriin badan oo gobolka ku sugan. Soo laabashadooda ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso in muwaadiniinta ku xayiran dalka dibadiisa ay dib ugu soo celiso deegaannadii hooyo si markale dib ehelkooda ula midoobaan.
Dib u celintan ayay dowladdu sheegtay in ay hoosta ka xariiqeyso sida ay uga go’an tahay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Xafiiska Socdaalka, soo laabashada & Xaquuqda muwaadiniinta in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka ku haysta dalka dibadiisa.
“Soo celinta lixdan muwaadin waxay ka dhigan tahay tallaabo wax ku ool ah oo aan ku bixinayno dadaallada joogtada ah ee aan ku doonayno in aan dalkooda ku soo celinno muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran xaaladaha adag,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda.
HBN ONLINE TV