Muuxu yahay abaabulka DFS & Koonfur galbeed wadaan oo Alshabaab looga qabsanayo deegaanno Shabeellaha hoose ah?

Iyadoo gobolka Shabeellaha Hoose uu ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Alshabaab, gaar ahaan guluf militari oo looga qabsanayo degmada Awdheegle ayn awadaan Ciidamada xoogga dalka ee gobolka ku sugan, ayaa maanta furimaha hore waxaa booqday masuuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Masuuliyiinta maamulka ee gaaray furaha hore ee Awdheegle waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed ahne ku simanaha madaxweynaha Cali Saciid Faqi iyo Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, Mudane Ibraahim Aadan Najaah. Labadan masuul ayaa ciidamada ku sugan furinta hore u jeediyay hadallo dhiirrigelin ah iyo ballan-qaadyo taageero ah.

“Goor dhow waxaan rajaynaynaa inaad gacanta ku dhigi doontaan meelaha ay weli joogaan cadowgu, gaar ahaan Awdheegle. Koonfur Galbeed waxay si buuxda u taageersan tahay howlgalka aad gobolka ka wadaan,” ayuu yiri Guddoomiye Cali Saciid Faqi oo la hadlayay ciidamada ku jira dagaalka Shabeellaha Hoose.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed rasmi ah, booqashadu waxay ahayd mid lagu dhiirrigelinayo ciidamada iyo kor loogu qaadayo niyaddooda dagaal, isla markaana lagu xaqiijinayo taageerada joogtada ah ee maamulka ee howlgalada militari ee socda.

Hoggaamiyeyaashu waxay adkeeyeen sida ay uga go’an tahay xoojinta amniga iyo sugidda xasilloonida gobolka, iyagoo muujiyay ka go’naansho dagaalka lagula jiro kooxaha hubeysan ee khatar ku ah bulshada.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed