Muuse Biixi oo madaxtooyada kulan kula qaatay madaxweynaha cusub ee Somaliland

Madaxweynaha banaaneyhaa kursiga madaxtinimo ee Somaliland Muuse Biixi ayaa maanta qasrigga madaxtooyada ku qaabilay Madaxweynaha la doortay Cabdiraxmaan Cirro.

Kulanka labada madaxweyne ayaa waxaa ku wehelinayey shir-guddoonka labada gole ee guurtida, wakiillada iyo guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland.

Muuse iyo Cirro ayaa kulankooda waxaa lagu sheegay in uu ahaa salaam iyo xogwarran ay masuuliyiintu ku qaateen xarunta madaxtooyada Somaliland looga arimiyo ee Hargeysa.

Dhawaan ayaa la filayaa in uu madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro uu la wareego xilka madaxweyne ee Somaliland, isaga oo soo dhisi doona xukuumaddiisa cusub ee shanta sano ee soo socota.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed