Ugu yaraan 37 qof ayaa ku dhinteen k dib fatahaado xooggan oo ka dhashay roobab culus oo ku dhuftay magaalada xeebeedka badda Atlantic-ga ee Saafi ee galbeedka dalkaasi, sida uu maanta sheegay telefishinka dowladda Morocco.
Mas’uuliyiinta maxalliga ah ayaa sheegay in 14 qof oo kale la dhigay Isbitaalka kuwaasi oo laba ka mid ah ku jiraan qaybta xaaladda deg degge ah ee ICU-ga, iyadoo adeegyada gurmadka ay sii wadaan howlgallada baadigoobka, gurmadka iyo gargaarka.
Saraakiishu waxay ugu baaqeen muwaadiniinta inay muujiyaan feejignaan sare ayna raacaan tilmaamaha badbaadada, iyagoo ka digay in dalka uu wajahayo isbeddello cimilo oo khatar ah oo aan la saadaalin karin.
Saafi, oo qiyaastii 300 kiiloomitir koonfur kaga beegan caasimadda Rabat, ayaa waxaa ku dhuftay duufaanno xooggan oo sababay roobab aad u culus muddo ka yar hal saac, kuwaas oo ka adkaaday nidaamyada bullaacadaha kana dhigay waddooyinka webiyo si xawli ah u qulqulaya. Warbixinno hore ayaa sheegay in 32 qof ay ku dhaawacmeen lana geeyay isbitaalka, iyadoo inta badan la sii fasaxay kad dib daaweyn loo fidiyay.
Sawirro si weyn ugu faafay baraha bulshada ayaa muujiyay biyo dhoobo ah oo xooggan oo maraya waddooyinka Saafi, kuwaas oo qaaday baabuur, qashin iyo burbur kale. Muuqaallo kale ayaa muujiyay dhisme macbud ah oo qayb ahaan quusay iyo doomaha kooxaha badbaaddada oo gurmanaya dad ku go’doonsanaa xaafado fatahaaduhu saameeyeen.
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in ugu yaraan 70 guri iyo dukaan oo ku yaalla Magaalada Qadiimiga ah ee Saafi ay biyo galeen, halka 10 baabuur biyuhu qaadeen. Qaybo ka mid ah waddooyinka oo burburay ayaa sababay ciriiri iyo saxmad gawaarida oo ka jira meelo kala duwan oo magaalada ah.
“Waa maalin murugo leh,” ayuu yiri Hamza al-Shadwani, oo ka mid ah dadka deggan Saafi, halka qof kale oo lagu magacaabo Marwan Tamer, uu isweydiiyay sababta aan loo adeegsan gaadiidkii biyo-dhuuqista ee horey loogu adeegsaday fatahaadaha.
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in howlgalladu ay socdaan si loo helo dad ay suurtagal tahay inay maqan yihiin, si loo sugo goobaha waxyeelladu gaartay, loona bixiyo gargaar dadka ay saameeyeen xaaladdan aan caadiga ahayn.
Hay’adda saadaasha hawada ee Morocco ayaa horay uga digtay roobab culus, duufaanno iyo baraf ka da’a meelo ka sarreeya 1,700 mitir. Dhacdooyinka cimilo ee daran ayaa weli ku soo noqnoqda dalka, inkastoo uu wajahayo abaar daba dheeraatay.
HBN Online TV

