Midowga Musharaxinta Mucaaradka Jubaland oo maanta shir gaar ah yeeshay ayaa soo dhaweeyey dhismaha guddiga Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland, oo ay sameysteen iyagu, kaasi oo ay sida hadalka loo dhigay lagu badbaadinayo Jubbaland.
Xubnaha oo sheegay in mid ka mid musaharixiinta la tartamayey gacantiisa ay ku jirto doorashadii lawada gali lahaa ayaa tilmaamay in hadda si wada jir ah u sameysteen guddi gaar ah oo ka shaqeynaya filashada dadka reer Jubbaland ee doorasho cadaalad ah.
“Ummadda reer Jubbaland oo ogahay in 80% ay isbedelka diyaar u tahay, taageersana tahay in arinkaa ogaadaan, qaataan, ku farxaan, ay sugaan xilliga ay dhaceyso Insha Allah” ayuu yiri mid ka mid ah Murshaxariinta.
Dhanka kale, Guddiga loo xilsaaray Doorashooyinka Jubbaland oo soo saaray jadwalka habraaca soo xulista Xubnaha Golaha Wakiillada, Guddoonkooda iyo Madaxweynaha ayaa maanta xareeyry Odoyaasha dhaqanka ee soo xulaya Xildhibaannada.
Sida ku xusan jadwalka, maanta oo ah 17-ka Nofeembar waxaa wacyigelin loo sameynayaa duubabka dhaqanka ka dib waxa ay soo gudbinayaan Xildhibaannada metalaya si loo xareeyo loona dhaariyo sida qorshaha uu yahay.
Arintan oo dadka siyaasadda dalka la socdaa ay ka aragti dhiibteen ayey ku sheegeen in xalka u socdo in Jubbaland ay ka dhici karto laba doorasho oo is barbar socda, taasi oo keeni karta dhibaato iyo fowdo aan la mahdin oo deegaannada maamulkaasi ka dhacda.
HBN ONLINE TV