Musharax Axmed Madoobe oo sheegay in miiska Wada hadalka ku laaba doono haddii dib u doorto Baarlamaanka Jubbaland

Madaxweyne Axamed Maxamed Islaam Madoobe ahna Musharaxa u cararaya markale in uu ku guuleysto doorashada Jubbaland ayaa maanta qudbadiisii musharaxnimo ku soo hadal qaatay in uu wada hadal la furi doono, haddii ay dib ugu doortaan Baarlamaanka Jubbaland.

Nuqul kooban ee hadalkan jeedinta oo u muuqday mid gorgortan siyaasadeed ah ayuu madaxweyne Axmed Madoobe ku carrabaabay in dowladda Soomaaliya oo ay is hayaan uu kula laaban doono miiska wada-hadalada, balse ay taasi ka horeyso in dib loogu celiyo xilka madaxweyne ee Jubbaland.

Sida oo kale waxaa uu ugu baaqay dowladda Soomaaliya oo tan iyo horaantii Octobar uu khilaaf adag kala dhexeeyey in ay ka wada shaqeeyaan danaha mideysan ee hormarka shacabka Soomaaliyeed.

Qudbadda Madaxweyne Axmed Madoobe maanta u jeediyey Baarlamaanka Jubbaland ayaa ku sheegay in uu wax ka qaban doono xoojin doono ciidamada iyo xoreynta deegaannada Alshabaab kaga harsanyihiin Jubbaland.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed