Kulan xasaasi ah oo maanta ka dhacay xarunta Golaha Wakiillada Somaliland ayaa isu beddelay buuq, muran iyo gacan ka hadal, kadib markii la horkeenay xeer la doonayey in lagu mideeyo doorashooyinka Madaxtooyada, Golaha Wakiillada iyo Dawladaha Hoose, sida ay ku soo warantay Warbaahinta gudaha.
Xildhibaanada qaar ayaa si weyn uga hor yimid xeerkan, iyagoo ku doodayay in wax-ka-bedel lagu sameeyo xeerka guud ee doorashooyinka Somaliland, si loo suurtageliyo in hal mar la qabto dhammaan doorashooyinka, marka laga reebo tan Golaha Guurtida.
Muran xooggan ayaa hareeyay doodda oo warbaahinta in laga saaro gaartay, waxaana ay arrintu isku beddeshay buuq iyo gacan ka hadal dhexmaray qaar ka mid ah xildhibaanada, taasoo keentay in kulankii lagu kala dareero, iyadoo aan la gaarin wax go’aan ah. Shir-guddoonka Golaha, oo xaaladda dejinayay, ayaa ka codsaday xildhibaanada in ay sugaan go’aanka Madaxweyne Cirro oo hadda ku maqan safar uu ku joogo Kenya.
Wararka ka imanaya ilo xog-ogaal ah oo warbaahinta madaxa bannaan ay heshay ayaa sheegaya in qaar ka mid ah xildhibaanada ay doonayaan in la sameeyo muddo kordhin, maadaama muddo-xileedkooda uu dhammaanayo. Hase yeeshee, Golaha Wakiillada ma caddayn mowqif rasmi ah oo arrintaasi la xiriira.
Golaha Wakiillada Somaliland ayaa la doortay 31-kii May 2021, sidaa darteed maanta waxay u tahay afar sano guuradii doorashadooda. Tani ayaa sii hurisay muranka ka taagan mustaqbalka doorashooyinka iyo mudada xil haynta xildhibaanada.
Ismari-waaga siyaasadeed ee Golaha Wakiillada ayaa laga yaabaa inuu saamayn ku yeesho dadaallada ay wado xukuumadda Madaxweyne Cirro si loo dardargeliyo hannaanka doorashooyinka, xilli ay Somaliland wajaheyso caqabado diblomaasiyadeed iyo kuwo gudaha ah.
HBN ONLINE TV