Wadayaasha mootooyinka Bajaajta ee magaalada Muqdisho ayaa maanta dhigay banaanbax cabasho ah, kaddib markii qiimaha shidaalka uu si weyn u kordhay toddobaadkan oo uu laba jibaarmay, iyagoo sheegay in arrintan ay si toos ah u saameysay noloshooda iyo shaqadooda.
Banaanbaxa oo ka dhacay qaar ka mid ah wadooyinka waaweyn ee magaalada ayaa sababay xirnaansho ku yimid isu socodka gaadiidka, hase yeeshee wadayaashu waxay sheegeen in ay wajahayaan handadaad iyo cadaadis. Mid ka mid ah wadayaasha mootooyinka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dad soo wacaya ay ugu hanjabayaan sida uu hadalka u dhigay in la xiri doono haddii ay sii wadaan cabashadooda.
“Dadaa isoo wacaaya oo leh waa lagu xiraa. Haddaba ogaada haddii la i xiro anigoo u hadlaya xaqa Bajaajleyda ayaa la i xiray. Xaqeena kama tanaasulayno,” ayuu yiri darawalkaasi.
Darawal kale ayaa sidoo kale sheegay in aysan joojin doonin banaanbaxyada ilaa qiimaha shidaalka dib loogu soo celiyo heerkii hore, isaga oo intaas ku daray in ay diyaar u yihiin inay sii wadaan cabashadooda.
Sida ay sheegayaan wadayaasha, qiimaha shidaalka oo horey halkii liitar uga ahaa $0.65 doollar ayaa toddobaadkan gaaray $1.5 doollar, taas oo ka badan laba jibbaarka qiimihii hore.
Lama shaacin sabab sharciyeed oo rasmi ah oo keentay kororkaasi, inkasta oo qaar goobaha iibiya shidaalka ay ku andacoonayaan in dagaallada Bariga Dhexe ay saameyn ku yeesheen sicirka shidaalka iyo adeegyada kale ee nolosha.
Ilaa hadda maamulka gobolka Banaadir iyo madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan hadlin cabashada wadayaasha mootooyinka Bajaajta ee Muqdisho, kuwaas oo ah qayb weyn oo ka mid ah gaadiidka dadweynaha ee magaalada.
Dhanka kale, kuma koobka shidaalka qiimaha waxyaabaha qaaliga noqday, balse cunnada maalinlaha ah ayaa noqday kuwa qiimihii hore wax iska bedeleen, tani oo ah saameyn kale. Ganacsatada iibisa raashinka ayaa sheegaya in qiimaha alaabooyinka uu sare u kacay, iyagoo sabab uga dhigaya kororka ku yimid kharashaadka gaadiidka iyo sahayda kale.
Meesha kaliya ee laga diiday in qiimaha badeecaha in la kordhiyo waa Galmudug oo fartay ganacsatada gudaha in aysan wax kordhin ah ku samayn karin qiimaha badeecadaha hadda yaalla suuqyada—maadama uu horay u maray nidaamka canshuuraha.
HBN ONLINE TV

