Magaalada Muqdisho ayaa maanta si ballaaran looga xusay Maalinta Macallinka Soomaaliyeed oo ku beegan 21-ka Nofeembar, xuska ayaana ka dhacay Garoonka Ciyaaraha Staduim Muqdisho. Munaasabadda waxaa ka qayb galay wasiirro, mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda, hay’adaha waxbarashada, macallimiin iyo arday soo bandhigay barnaamijyo lagu maamuusayo Maalinta Macallinka Soomaaliyeed.
Mas’uuliyiintii halkaasi ka hadashay ayaa u diray dhambaallo dhiirrigelin iyo bogaadin ah macallimiinta Soomaaliyeed oo ay sheegeen in ay laf-dhabar u yihiin kobaca bulshada.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay munaasabadda ayaa xusay doorka taariikhiga ah ee macallimiintu ku leeyihiin horumarinta waxbarashada dalka iyo dib u dhiska jiilal leh aqoon, karti iyo awood ay mustaqbalka dalka ku hoggaamiyaan.
Madaxweyne Xasan ayaa faray Wasaaradda Waxbarashada in ay dhameystirto tirada ka dhiman 10,000 macallin, isagoo sheegay in dowladdu ay horey u shaqaaleysiisay 6,000 oo macallin oo hadda ka howlgala dugsiyada dalka.
“Macallinka iyo askariga Soomaaliyeed ayaa ah kuwa ugu qiimaha badan ee dalkani leeyahay. Waa waajib in la maamuuso oo la taageero macallinka maadaama uu yahay laf-dhabarta horumarka bulshada,” ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo ku boorriyay wasaaradda in ay si degdeg ah u diyaariyaan dugsiyadii harsanaa loona helo tababaro tayo leh.
Sidoo kale wuxuu carrabka ku adkeeyay sida ay dowladda uga go’an tahay xoojinta aqoonta, tababarrada iyo dhiirrigelinta macallimiinta si loo hubiyo in ardayda Soomaaliyeed ay helaan waxbarasho tayo sare leh oo u dhiganta heerarka caalamiga ah. Wuxuu ku baraarujiyay dhallinyarada in ay yihiin hogaamiyeyaasha maanta iyo berrito ee dalka.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa guddoomay billad sharaf ay siiyeen bahda waxbarashada, isaga oo ammaanay dadaalka joogtada ah ee macallimiinta Soomaaliyeed iyo adkeysigooda muddadii uu dalka soo maray xaaladaha adag. Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladdu mudnaan gaar ah siin doonto daryeelka macallinka iyo tayeynta waxbarashada dalka.
Hbn Online Tv

