Muqdisho oo Martigelinaysa Ciyaaryahanno Caalami ah, Madax ka Socota FIFA iyo CAF

Magaalada Muqdisho ayaa maalinta berri ah martigelinaysa soo dhoweyn heer caalami ah oo loogu talagalay halyeeyada kubadda cagta ee qaaradda Afrika iyo madax sare oo ka socota hay’adaha ciyaaraha adduunka.

Soo dhoweynta taariikhiga ah ayaa waxaa ka mid ah ciyaaryahannada caanka ah ee dunida magac ku leh sida Samuel Eto’o, Emmanuel Adebayor, iyo Jay-Jay Okocha, kuwaas oo caan ku ahaa xirfadooda ciyaareed ee heerka sare ah. Waxaa sidoo kale la filayaa in Muqdisho ay soo gaaraan madax sare oo ka kala socda FIFA iyo CAF, taas oo muujinaysa kalsoonida iyo muhiimadda sii kordheysa ee Soomaaliya ku leedahay ciyaaraha gobolka iyo caalamkaba.

Guddoomiye ku xigeennada Xiriirka Soomaaliya ee Kubadda Cagta Axmed Faarax Taqal iyo Cabdirashiid Cabdulle Maxamed, ayaa maanta booqday garoonka Muqdisho Stadium, halkaas oo lagu qaban doono ciyaar weyn oo lagu maamuusayo imaanshaha ciyaaryahannada iyo madaxda kale ee soo booqanaya.

Waa markii ugu horreysay ee Muqdisho ay si rasmi ah u martigeliso ciyaartoy heer caalami ah iyo wufuud sare oo ka tirsan ururrada kubadda cagta adduunka, taas oo u muuqata horumar weyn oo dhinaca ciyaaraha ah oo uu dalku sameeyay

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed