Muqdisho oo lagu qabatay wiil uu dhalay hoggaamiyihii hore ee Alshabaab Axmed Godane 

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta ku dhigay wiil lagu magacaabo Cabdifitaax Axmed Godane, kaas oo la sheegay inuu yahay wiil uu dhalay hoggaamiyihii hore ee kooxda Alshabaab, Axmed Cabdi Godane.

Cabdifitaax ayaa lagu eedeeyay falal amni-darro iyo burcadnimo, kaddib markii kaamirooyinka ammaanka ay duubeen isaga iyo nin kale oo lagu magacaabo Feysal Xaashi, iyaga oo gabar yar ka dhacaya taleefan gacanta ah mid ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho, Sida ay baahisay Warbaahinta Qaranka, wiilka la qabtay ayaa baaritaan lagu sameeyay, waxaana uu sheegay inuu ka yimid magaalada Hargeysa.

Laamaha ammaanka ayaa xaqiijiyay in Cabdifitaax uu dhab ahaan yahay wiil uu dhalay hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab, sida uu isagu sheegay intii uu socday baaritaanka.
Markii hore waxaa lagu xiray saldhigga booliska degmada Hodan, balse kaddib markii uu shaaciyay sheegashadiisa, waxaa loo wareejiyay xabsiga Godka Jilicow.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Cabdifitaax lagu qabtay isagoo ku hubeysan hub iyo mindiyo, xilli uu ku guda jiray fal burcadnimo. Hay’adaha ammaanka ayaan weli bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xaaladdiisa sharci ama tallaabooyinka xiga ee laga qaadi doono.

Axmed Cabdi Godane, oo ahaa aasaasayaashii ugu waaweynaa ee kooxda Al-Shabaab, ayaa lagu dilay duqeyn Mareykan ah sanadkii 2014-kii, Sida ku xusan warbixin muuqaal ah oo ay soo bandhigtay Warbaahinta Qaranka, Cabdifitaax Axmed Godane ayaa waxbarashada ka tagay marxalad dhexe, waxaana markii dambe uu ku lug yeeshay isticmaalka maandooriyaha.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed