Muhiimad intee la eg ayey Bariire u leedahay Alshaabab?

Ciidanka Xoogga Dalka oo garab ka helaya kuwa Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan magaalada istiraatiijiga ah ee Bariire, kadib dagaal culus oo sagaal maalmood socday.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa shaacisay in howlgalkan lagu dilay in ka badan 100 xubnood oo ka tirsan Alshabaab, iyadoo tiro kale lagu qabtay, sidoo kalena la soo qabtay hub iyo saanad ciidan oo badan.

Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, ayaa bogaadiyay guusha ciidamada, isagoona ku adkeeyay in dagaalka lagula jiro Alshabaab uu sii socon doono ilaa dalka laga saaro kooxdaasi.

Waxaa sidoo kale qorshuhu yahay in dib loo dhiso buundada muhiimka ah ee magaalada taasoo burburtay, si loo fududeeyo isu socodka bulshada iyo dhaqaalaha, sida uu ka dhawaajiyey Ibraahim Aadan Cali (Najax) Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose.

Ilo-wareedyo amni ayaa xaqiijiyay in Bariire ay muhiimad weyn u lahayd Alshabaab, maadaama ay tahay marin istiraatiiji ah oo isku xirka dagaalyahanada iyo sahayda kooxda ee gobollada Koonfurta uu ahaa. Tani waxay ka dhigtay magaalada meel isku socod oo muhiimad weyn u leh joogtaynta awoodda Alshabaab ee gobolka.

Sida ay sheegayaan qubarada arimaha amniga iyo taatikada — Bariire waxay qayb ka ahayd isku xirnaanta guud ee Alshabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose iyo guud ahaan Koonfurta, taasoo fududeysay dhaqdhaqaaqyada kooxdu ku ilaalin jirtay goobo badan oo gacantooda ku jirta. Waxaa la sheegay si ay u difaacdaan magaaladda inay geeyeen awooddii ugu cusleyd, taasi oo dhalisay khasaaraha weyn ee ka soo gaaray, ka hor inta aan la qabsan.

Marka la soo koobo, Bariire waxay ahayd xudun muhiim ah oo Alshabaab u isticmaali jirtay hawlgalladeeda iyo isku xirnaanteeda Koonfurta Soomaaliya, taasoo ka dhigeysa guusha laga gaaray dagaalka mid muhiim ah oo istiraatiiji ah dhanka dowladda.

Khubarada amniga ayaa dowladda kula taliyay in guushan aysan ku ekaanin qabsashada magaalada oo kaliya, balse ay muhiim tahay in la xoojiyo joogitaanka ciidanka, la soo celiyo adeegyada bulshada, lana sameeyo iskaashi dhab ah oo lala yeesho dadka deegaanka, si looga hortago in Alshabaab dib ugu soo laabato.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed