Mucaradka oo u hoggaansamay awaamiirta dowladda si banaanbax ay u dhigtaan

Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in banaanbixii loo ballansanaa in siyaasiyiinta Mucaaradka ka dhigaan magaalada Muqdisho uu dhici doono, balse wuxuu sheegay in lagu qabanayo Garoonka  Koonis (Eng. Yariisow) degmada Cabdicasiis, saacaddu marka ay tahay 11:00Am barqanimo.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in go’aankan la qaatay kadib markii la tixgeliyey xaaladaha amni ee magaalada Muqdisho.

“Anagoo fiirinayna waxyaabo badan waxaan go’aansanay in Mudaharaadku uu ka dhaco Koonis” ayuu yiri Madaxweyne hore Shariif.

Go’aankan ayaa loo arkaa in mucaaradku ay u hoggaansameen awaamiirta hay’adaha ammaanka dowladda Soomaaliya, kuwaas oo horay u sheegay inaan dibadbaxa lagu qaban karin meel aan ahayn goobta loo asteeyey.

Dhanka kale, Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Muumin (Macalin Mahdi), ayaa sheegay inaan la oggolaan doonin dibadbaxyo hubeysan ama falal rabshado wata oo khatar gelin kara amniga Muqdisho.

“Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Booliiska Gobolka Banaadir, waxay bulshada ku nool Caasimadda Muqdisho ku wargelinayaan in maalinta berri ah aan la oggolaan doonin bannaanbaxyo hubeysan, falal rabshado wata, iyo isu-soo-bax kasta oo khatar gelin kara amniga iyo xasilloonida Caasimadda” ayuu yiri Macalin Mahdi, isaga oo sheegay in la oggol yahay isu-soo-bax nabadeed, kaas oo loo asteeyay inuu ka qabsoomo garoonka Eng. Yariisoow.

Waxaa saaka furan waddooyinka qaar ee Muqdisho, inkasta oo isu socodka gaadiidka dadweynaha uu xadidan yahay, iyadoo ciidamo badan oo dowladda ka tirsan lagu arkayo qeybo badan oo caasimadda ah

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed