Mucaaradka Suuriya oo qabsaday dhul badan oo ka tirsan gobolka Xalab

Mucaaradka hubeysan ee dalka Suuriya ayaa ku dhawaaqay inay gacanta ku dhigeen dhulka miyiga ah ee galbeedka ee magaalada Xalab kadib dagaallo culus oo ay la galeen ciidanka xukuumadda Suuriya, kuwaas oo sababay geerida tobaneeyo qof oo labada dhinac ah, isla markaana keenay in la gooyo waddada weyn ee u baxda magaalada caasimadda ah ee Dimishiq.

Mucaaradka hubeysan ayaa subaxnimadii Arbacadii bilaabay howlgal milateri oo weyn oo loogu magac daray “Joojinta Weerarka,” kaasoo ay sheegeen inuu yahay tallaabo ka hortag ah oo lagaga jawaabayo weerar la filayay oo ay ciidanka xukuumadda iyo xulafadooda ku qaadaan xarumahooda ku yaalla miyiga Xalab iyo Idlib ee waqooyi-galbeed ee Suuriya.
Falaago badan oo ay ku jiraan kooxaha Tahrir al-Sham iyo kuwa kale oo ka tirsan Ciidanka Qaranka Suuriya ee mucaaradka la xiriira ayaa ka qeyb qaadanaya howlgalkaas.

Wasaaradda Difaaca ee Suuriya ayaa sheegtay in ciidanka dawlada oo gacan ka helaya Ruushka iyo “ciidamo saaxiib ah” ay wadaan qorshe ay dib ugu qabsanayaan dhulka lagala wareegay, xaaladdana sidii hore loogu soo celin lahaa.

Bayaan uu soo saaray ciidanka oo la soo dhigay barta X, waaberigii Jimcaha, Gaashaanle Sare Xasan Cabdul Ghaani, afhayeenka waaxda howlgalada milateri ee mucaaradka hubeysan, ayaa sheegay in ciidankooda ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta miyiga galbeedka ee magaalada Xalab kadib dagaallo culus oo socday 36 saacadood.

Ciidamada mucaaradka ayaa “xoreeyayy” magaalada istiraatiijiga ah ee Kafr Xalab oo ku taalla galbeedka Xalab, iyadoo Waaxda Howlgalada Milateri ay ku dhawaaqday in ay la wareegeen goobaha istiraatiijiga ah ee ku yaalla koonfur-bari miyiga Idlib, sida uu sheegay Cabdul Ghaani.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed