Mucaaradka Soomaaliya oo soo saaray War-Murtiyeed xasaasi ah

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa maanta si wadajir ah u soo saaray war-murtiyeed adag oo ay ku cambaareynayaan hoggaanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo uga digay faragelinta uu ku hayo maamulka dalka iyo sida uu u marin habaabiyey sida hadalka ay u dhigeen hannaankii wadatashiga qaran.

War-murtiyeedka ayaa ka kooban 7 qodob oo muhiim ah, kuwaas oo ay mucaaradku ku muujiyeen walaacooda, talooyin ay bixinayaan iyo baaqyo ay u dirayaan bulshada, madaxda maamul-goboleedyada iyo beesha caalamka.

waxay caddeeyeen in Madasha Wadatashiga Qaran ay burburtay isla markaana Madaxweyne Xasan Sheekh uu doortay sida hadalka ay u dhigeen koox gaar ah halkii uu abuuri lahaa hannaankii wada-hadal siyaasadeed oo qaran.

Waxay ku taliyeen in si degdeg ah loo sameeyo wadatashi siyaasadeed oo qaran oo ay ka qeyb galaan dhammaan qaybaha bulshada, si looga gudbo khilaafka siyaasadeed loona helo midnimo lagula dagaallamo argagixisada.

Madaxweyne Xasan ayaa loogu digay inuu joojiyo faragelinta uu ku hayo maamulka Jubbaland, xorriyadda uu ka qaadayo iyo sida uu u adeegsanayo awoodda dowladda si uu uga gaaro dano siyaasadeed.

Mucaaradka waxay soo dhoweeyeen taageerada shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda Mareykanka oo diiday in talada dalka lagu koobo wax lagu macneeyye koox gaar ah, waxayna ugu baaqeen beesha caalamka inay sii xoojiyaan taageeradooda ku aaddan dowlad-dhisidda Soomaaliya.
Sidoo kale, Waxay ugu baaqeen madaxda maamul-goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur-Galbeed in ay dhowraan xilliga dastuuriga ah ee maamulka, ayna qabtaan doorashooyin waafaqsan dastuurka.

Waxay ka codsadeen Qaramada Midoobay in ay si degdeg ah u bilaabaan baaritaan ku saabsan musuqmaasuqa, boobka hantida qaranka iyo sida loo adeegsanayo si uu u faa’iideystan argagixisada.

Ugu dambeyntii, mucaaradka waxay u mahadceliyeen beesha caalamka kaalinta ay ka qaadanayaan taageerada dowlad-dhisidda Soomaaliya. War-murtiyeedkan waxaa si wadajir ah u saxiixay 16 siyaasi oo caan ah oo ay ka mid yihiin madaxweynayaal hore, ra’iisul wasaareyaal, safiiro iyo siyaasiyiin hore.

1. Shariif Sheekh Axmed
2. Shariif Xasan Sheekh Aadan
3. Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan
4. Maxamed Xuseen Rooble
5. Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke
6. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)
7. Xasan Cali Khayre
8. Cabdiweli Sheekh Axmed
9. Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif
10. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
11. Amb. Axmed Ciise Cawad
12. C/qaadir Cosoble Cali
13. Dr. Cabdinuur Sheekh Maxamed
14. Dr. C/naasir Cabdulle Maxamed
15. Eng. Cabdullahi Abuukar Xaaji (Cabdullaahi Carab)
16. Maxamed Cabdullaahi Siiriin

 

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed