Mucaaradka Soomaaliya oo soo saaray baaq adag Ka dib fashilka shan wareeg oo wadahadalo ah

Xubnaha Mucaaradka ee ku mideysan Golaha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa maanta ku soo gabagabeeyay Muqdisho shir xasaasi ah oo ay uga wada hadleen xaaladda siyaasadeed iyo hannaanka doorashooyinka dalka, kaddib wadahadallo ay muddo bil iyo bar ah la yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo wax natiijo ah ka soo bixin.

Bayaanka shirka ka soo baxay ayaa lagu adkeeyay in dalka lagu dhaqo nidaam doorasho toos ah oo daahfuran, kuna saleysan habka “qof iyo cod” iyo dastuurkii dalka lagu heshiiyay 2012-kii.

Mucaaradka ayaa sheegay in 5 wareeg oo wadaxaajood ah ay ku guul-darreysteen inay is-afgarad ka gaaraan qodobada ugu muranka badan, gaar ahaan cutubka 4-aad ee dastuurka, taas oo ay ku eedeeyeen in ay caqabad ku tahay sida hadalka u dhigeen hannaanka Baarlamaaniga, nidaamka Federaalka, awood-qeybsiga siyaasadeed iyo doorashooyinka afar-sano kasta la qabto.

Goluhu wuxuu ku eedeeyay dowladda in aysan ka jawaabin dalabaadkooda ku saabsan sida ay carrabaabeen ee wax ka beddelka dastuurka iyo shuruucda cusub ee doorashada, taas oo ay sheegeen in haddii aan dib loogu laaban ay wiiqi karto nidaamka dowlad-dhiska iyo midnimada qaranka.

Qodobada ugu muhiimsan ee baaqa Madasha Samatabixinta waxaa ka mid ahaa:

  1. In dib loogu laabto dastuurkii 2012 ee ku dhisnaa nidaamka Baarlamaaniga, ka soo baxay heshiiskii Carta.
  2. In 9-ka bilood ee ka harsan muddo-xileedka Madaxweynaha lagu gaaro heshiis doorasho qof iyo cod ah.
  3. In dib loogu soo celiyo wadahadallada qaran dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.
  4. In la joojiyo colaadaha dowladda ka hurinayso gudaha dalka, gaar ahaan gobolka Gedo.

Goluhu wuxuu sidoo kale ku baaqay in mudnaanta la siiyo xallinta khilaafka siyaasadeed, mideynta dadaallada ka dhanka ah Alshabaab-Daacish, iyo ilaalinta jiritaanka dowladnimada. Waxay sheegeen in fashilka wadahadallada uu keeni karo xaalad kala-bayr ah oo fursad siinaysa cadowga Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Madashu waxay caddeysay inay diyaar u tahay sida ay hadalka u dhigeen wadaxaajood cusub oo lagu samatabixinayo dalka, iyadoo guddigooda wadaxaajoodka uu sii wadi doono shaqadiisa.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed