Mucaaradka Soomaaliya oo si adag uga falceliyey dagaalkii maanta ka dhacy Baydhabo, 

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa bayaan adag ka soo saaray dagaalka labadii maalmood ee u dambeeyay ka socday magaalada Baydhabo, xarunta maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh. Golaha ayaa muujiyay walaac xooggan, isagoo dagaalka ku tilmaamay mid halis toos ah ku ah nolosha shacabka, burburinayana hantida guud iyo tan gaarka ah.

Goluhu wuxuu xusay in colaaddu ay dhaawacayso wada-noolaanshaha bulshada isla markaana si weyn u wiiqayso kalsoonidii dadweynaha ee hay’adaha dowliga ah. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in xiisaddani ay kusoo aadeyso xilli dalka uu wajahayo duruufo adag oo ay ka mid yihiin abaar ba’an, khataro amni oo ay argagixiso ku jirto, iyo hubanti-la’aan siyaasadeed, iayaga si cad u sheegay in xalka arrinta Baydhabo ka dhacday ay tahay in doorasho si degdeg ah loo qabto.

“Goluhu wuxuu xasuusinayaa in muddadii sharciga ahayd ee maamulka Koonfur Galbeed ay dhammaatay, isla markaana aysan jirin sharciyad lagu cusboonaysiiyay muddo-xileedka. Arrintan waxay maamulka gelisay firaaq sharci, nuglaansho siyaasadeed iyo ku-tiirsanaan Villa Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Golaha ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay dayacday sida hadalka ay u dhigeen mas’uuliyaddii dastuuriga ahayd iyo xilkii ka saarnaa ilaalinta nidaamka dowladnimo iyo kala dambeynta sharciga, taas oo ayandarro uu ku tilmaamay goluhu.

“Waxaa walaaca Golaha sii xoojinaya aamusnaanta dowladda federaalka ee ku aaddan dagaalka labadii maalmood socday, taasoo tilmaam ka bixinaysa jihada uu dalku aadi karo, haddii aan heshiis la gaarin ka hor inta uusan dhammaan muddo-xileedka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.” aya lagu yiri.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed