Siyaasiyiinta mucaaradka ugu tunka weyn Soomaaliya ee ka tirsan Golaha Mustabalka ayaa maanta si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyaga oo ku dhawaaqay olole siyaasadeed oo ay ku sheegeen inuu ka dhan yahay dowladda Federaalka Soomaaliya, ayna ka soo horjeedaan go’aamada siyaasadeed ee dowladda.
Mucaaradku waxay sheegeen in ay wadatashiyo la yeesheen sida ay ku doodeen bulshada Gobolka Banaadir, ayna diiradda saareen waxa ay ku tilmaameen “hubanti la’aan siyaasadeed” iyo dhibaatooyin ay ka mid yihiin barakicinta danyarta, boobka hantida qaranka, iyo cabburinta dhallinyarada.
Waxay sidoo kale ku eedeeyeen dowladda in ay isticmaalayso sid ay hadalka u dhigeen awood ka baxsan dastuurka, iyagoo carrabka ku adkeeyay in ay si gaar ah ula kulmeen dad danyar ah oo ay sheegeen in lagu sameeyay barakicin iyo burburin hantiyeed.
Mucaaradku waxay soo saareen qodobo ay kamid yihiin in muddada dastuuriga ah ee Madaxweynaha ku eg tahay 15-ka May 2026, ayna aqoonsan yihiin oo kaliya dastuurka kaliya ee 2012-kii iyo in wixii ka dambeeya ay qaadan doonaan mowqif siyaasadeed oo adag, iyagoo sidoo kale ku baaqay in la diido doorashooyin ay ku tilmaameen “kuwo aan hufnayn”.
Mucaaradka ayaa sheegay in xaaladda siyaasadeed ee dalka ay halis ku socoto, iyagoo dhaliilay habka loo wajahayo doorashooyinka dowlad-goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, kuna adkeysteen in aan la aqbali karin “doorasho aan hufnayn”.
Ugu dambeyn, waxay cambaareeyeen waxay ugu yeereen “dhulboobka iyo xariga” qaar ka mid ah dhallinyarada Muqdisho, iyagoo ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo dadka ay xireen, ayna dowladdu joojiso tallaabooyinka ay ku tilmaameen kuwa sharci-darro ah.
Hadalladan adag ee kasoo yeeray mucaaradka ayaa imaanaya xilli ay dalka ka taagan yihiin xiisado siyaasadeed oo sii xoogeysanaya, kuwaas oo la xiriira doorashooyinka iyo khilaafka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo mucaaradka.
HBN ONLINE TV

