Xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed garabkooda Muqdisho ayaa maanta shir jaraa’id oo ay qabteen si cad uga horyimid doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir, taas oo lagu wado in Khamiista berri ah lagu qabto 16 degmo oo gobolka ah.
Hoggaamiyeyaasha mucaaradka — oo ay ka mid yihiin Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaareyaal hore Xasan Cali Khayre iyo Maxamed Xuseen Rooble, xildhibaano iyo siyaasiyiin kale — ayaa dowladda ku eedeeyay in ay siyaasadeysay geeddi-socodka doorashada, isla markaana ay kheyraadka qaranka u adeegsanayso sida ay hadalka u dhigeen dano xisbi.
Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in doorashadu “aysan wax isbeddel ah keeni doonin,” isagoo ku tilmaamay “waqti lumis iyo isku day muddo kororsi ah,” eedeymo ay dowladda horay u beenisay.
Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre ayaa isna yiri: “Waxaa nasiib darro ah in hantidii shacabka lagu bixiyo geeddi-socod aan mustaqbal wanaagsan u horseedi karin shacabka Soomaaliyeed,”. isagoo intaa ku daray in mucaaradku “aysan aqbali doonin natiijo ka soo baxda doorasho hal dhinac ah.”
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale dhaliilay doorashada, isagoo ku sifeeyey “doorasho u adeegaysa hal dhinac oo keliya,” isla markaana carrabka ku adkeeyay in “isku day kasta oo muddo kororsi ah uu yahay khad cas.”
Dhankeeda, dowladda federaalka ayaa horay u sheegtay in doorashadan loo wajahayo sidii loo xoojin lahaa ka qaybgalka shacabka iyo dimuqraadiyadda heer degmo, iyadoo amniga magaalada si weyn loo adkeeyay, laguna daadiyay kumannaan askari oo sugaya waddooyinka caasimadda.
HBN Online TV

