Xubnaha mucaaradka ah ee la magac baxay is bedel doonka ee maanta guusha taarikhiga ah ka gaaray doorashada Somaliland ka dhacday ayaa dhamaalo xambaarsan marxabeyn iyo ka guul gaaridda isu mariyey hawada.
Xisbiyada iyo madaxda guuleystay ee doorashada 13-kii bishaan lagu qabtay deegaannada Somaliland ayaa sheegay in guul weyn ay gaareen, halka xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka ee la safnaa ay dhamaalo u direen madaxda.
Kaah oo ahaa urur balse hadda noqday Xisbiga rasmi ah ayaa sheegay in uu aad qancay doorashada ay qeybta ka ahaayeeen, taasi oo ay kaga mahadceliyeen guddiga doorashooyinka oo sida hadalka ay u dhigeen si cadaalad ah u maamulay doorashada.
Guddoomiyaha Xisba Kaah Maxamuud Xaashi oo warbaahinta la hadlay markii la shaaciyey ka dib natiijada doorashada ayaa carrabaabay in guusha ay gaareen ay qeyb lixaad leh ka qaateen shacabka Somaliland, isaga oo tilmaamay in uu garab istaagi doono xukuumadda madaxweynaha dooran ee Cabdiaxmaan Cirro.
Dhanka kale, masuuliyiin isugu jira Xildhibaannada golaha wakiillada Somaliland iyo masuuliyiin kale ee la magac baxay is bedel doonka ayaa siyaabo kala duwan ugu hambalyeey madaxweynaha cusub, ku xigeenkiisa iyo Xisbiga guuleystay oo si weyn ay u soo dhiseen, iyada oo tilmaamay guul weyn ka gaareen doorashda 13-kii bishaan.
HBN ONLINE TV