Madasha siyaasiyiinta Mucaaradka la magac baxday “Samatabixinta Soomaaliyeed” ayaa si kulul uga hadashay habka ay dowladda Federaalka Soomaaliya DFS u waddo xulista xubnaha Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka, iyagoo si cad u carrababay in hanaanka hadda socda uu baalmarsan yahay sida hadalka u dhigeen dastuurka iyo sharciga u yaalla dhismaha guddigan.
War-saxaafadeed qoraal ah oo ay Madashu maanta soo saartay ayay ku sheegtay in xulista guddiga lagu sameynayo si aan waafaqsaneyn qodobbada 41-aad iyo 111B ee Dastuurka Ku-meel-gaarka ah iyo sidoo kale Sharciga Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Lr. 16, kaasoo la ansixiyey 2016.
Madasha ayaa sheegtay in hannaan aan sharciga waafaqsaneyn lagu soo xulayo musharrixiinta u tartamaya guddiga, iyadoo xubno ay xukuumaddu magacaabeyso ay yihiin kuwo si cad ugu xiran Madaxtooyada Soomaaliya, taasoo ay ku tilmaameen faragelin qaawan oo dhaawaceysa madax-bannaanida guddiga.
Hadaba seddex qodob ay Madashu si gaar ah u farmuuqday ayaa lagu muujiyey in la baalmaray in aan la raacin nidaamka cad ee sharcigu tilmaamay oo ku saabsan in wasaaradda xuquuqul insaanka ay si wadajir ah ula tashato dawlad goboleedyada iyo hay’adaha bulshada rayidka ah si loo magacaabo xubnaha guddiga, in xukuumaddu ay si toos ah u faragelinayso habka xulista, iyadoo “laga leexday shuruudihii xulista murashaxiinta” oo ay ka mid tahay in la siiyo bulshada fursad ay ku codsadaan ama ku tartamaan si daahfuran iyo in aysan jirin imtixaan ama hab-raac sugan oo lagu qiimeeyo aqoonta, sumcadda iyo hufnaanta musharrixiinta guddiga, taasoo keeni karta in guddigu noqdo mid siyaasadaysan oo aan helin kalsoonida shacabka, sida ay hadalka u dhigeen.
Madasha ayaa ugu dambeyn ugu baaqday DFS, dowlad goboleedyada, bulshada rayidka ah, suxufiyiinta, iyo beesha caalamka in ay si feejigan ula socdaan geeddi-socodka dhismaha guddiga, isla markaana la hubiyo in xubnaha guddiga lagu soo xulo si waafaqsan dastuurka iyo sharciga dalka.
HBN ONLINE TV