Mucaaradka oo si niyad jab ah kaga digay shirarka madaxweyne Xasan ku dhawaaqay

Madasha siyaasiyiinta Mucaaradka ee loogu yeero “Samatabixinta Soomaaliyeed” ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku soo dhoweysay gogosha uu fidiyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, si xal waara looga gaaro xaaladda adag ee uu dalku ku jiro, xili ay durba muujiyeen tuhunkooda labada gogol ee lagu dhawaaqay.

Madashu waxay si cad ugu baaqday in gogoshu noqoto mid loo dhan yahay, lagana fogaado wax kasta oo dhaawacaya kalsoonida, iyadoo la hubinayo ka qeybgalka dhammaan madaxda dowlad goboleedyada, siyaasiyiinta mucaaradka iyo cid kasta oo masiirka dalka saamayn ku leh.

Sidoo kale, Madashu waxay tilmaantay in gogoshan ay noqoto madal furan oo lagu helo wadahadal siyaasadeed oo dhab ah, si dalka looga saaro hubanti la’aanta iyo khilaafaadka siyaasadeed ee soo noqnoqday. Si kastaba ha ahaatee, Madasha mucaaradka ayaa walaac ka muujisay kulammada uu Madaxweynaha qorsheynayo in uu qabto 15-ka iyo 22-ka bishan Juun, kuwaas oo ay Madashu ku sheegtay inay yihiin olole taageero raadis ah oo lagu sii xoojinayo jihadii horey keentay khilaafka siyaasadeed iyo kala aaminbaxa.

Bayaanka Mucaaradka ayaa lagu sheegtay in tallaabooyinka noocaas ah ay dhaawacayaan sida hadalka loo dhigay niyad-wanaaggii ay Madashu ku qaabishay gogosha Madaxweynaha, ayna hoos u dhigayaan kalsoonidii shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada caalamka ay ku qabeen in gogoshu keeni karto is-afgarad qaran.

Intaa waxaa dheer, Madashu waxay xustay muhiimadda ay leedahay in khilaafka gudaha laga gudbo si loo mideeyo dadaallada lagula dagaallamayo cadowga argagixisada ee weerarka ku haya diinta, dalka iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

“Madashu waxay mar walba u taagan tahay midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, iyo sidii dalka looga samatabixin lahaa hubanti la’aanta siyaasadeed, waxayna weli Madaxweynaha ka dhowraysaa gogol wada-xaajood ah oo loo dhanyahay, si xal waara looga gaaro khilaafka siyaasadeed, laguna mideeyo abaabulka iyo awoodda lagu wajahayo cadowga argagexisada ee duulaanka ku ah diinteenna, dalkeenna iyo dawladnimadeenna” ayaa lagu yiri war saxaafadeedkooda.

Inkasta oo uu ku dhawaaqay madaxweynaha labo fadhi oo kala heer ah, hadane wuxuu sheegay in dalka muhiim u tahay in loo jiheeyo wado saxan oo mustaqbalka dadka Soomaaliyeed ku jirto.
Tuhunka mucaaradka ayaa ah in la kala reebo xubnaha gogosha hore ka qeybgalaya, maadama la shaaciyey jaantuska cidda ka qeybta oo ay ku jiraan Madaxdii hore.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed