Mucaaradka oo ka hadlay wax ka beddel ku yimid Muddo-horaadkii la filayey!

Mucaaradka siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay banaanbixii ay ku balansanaayeen maanta oo sabti ah in laga dhigo magaalada Muqdisho, kaasi oo weyn isha loogu hayey 48-dii saac ee la soo dhaafay.

Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed, oo shir jaraa’id ka hadlay, kaasi oo ay isugu yimaadeen Mucaaradka ayaa sheegay in dib u dhigtaasi aysan ahayn in laga tanaasulay go’aanka banaanbaxa, balse uun ay tahay oo kali ah go’aan “dib u dhigis” iyo in si wanaagsan loogu diyaar garoobo.

Shariif ayaa yiri: “Dib u dhigis kaliya waaye, ma ahan in la baajiyay mudaaharaadka. Waxaan rabnaa inaan si sax ah ugu diyaargarowno, dhinaca kalena waa in dowladda ay ogolaato xuquuqdaas dastuuriga ah.”

Mucaaradku waxay usbuucii hore ugu baaqeen shacabka Muqdisho in ay kasoo qayb galaan muddo-horaad ay sheegeen inuu ka dhici doono maanta oo Sabti ah Siinaay, Tarabuun iyo Dayniile, inkasta oo go’aankaasi si adag dowladda Soomaaliya uga hortimid.

Dhanka kale, dowladda Federaalka iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa si adag uga digay banaanbaxyada ay Mucaaradku ku baaqeen. Waxay digniin u direen shacabka magaalada oo la faray inay ka fogaadaan wax keeni kara iska hor imaad hubaysan, iyaga oo Ciidamada Ammaanka la faray inay u fasaxan yihiin in talaabo sharci ka qaataan ciddii go’aankaasi jabisa.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa uga digay mucaaradka isku day kasta oo bannaanbax uu ku tilmaaamay “sharci-darro ah” in lagu qabto caasimadda, isagoo sheegay in wixii dhacay toddobaadkii hore ay ahaayeen sida uu hadalka u dhigay duullaan lagu soo qaaday ammaanka Muqdisho.

Banaanbaxa la iclaamiyey ayaa ka dambeeyey, kadib isku dhac dhiig ku daatay oo ka dhacay degmada Wardhiigley, waxaana ku dhintay inta la ogyahay laba ruux iyo dhaawaca dadkale. Dowladdu waxay falkaasi ku sifeysay “afgami sharci iyo duullan ka dhan ah dowladnimada”, sida uu khamiistii golaha wasiiradda ka dhex sheegay Ra’iisal Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

HBM ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed