Xubno ka tirsan mucaaradka oo uu hoggaaminayo madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay is rasaasayn ka dhacday maanta Saldhigga Booliska degmada Wardhiigley ayaa ku booqay baanaan bax soconaya muddo seddex maalmood ah, kadib markii dagaal khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay uu iyaga iyo ciidamada dowladda halkaasi ku dhexmaray.
Mucaaradka ayaa ku eedeeyey ciidanka dowladda dagaalkii ka dhacay saldhigga Wardhiigley, waxayna sheegeen in weerar lagu soo qaaday, taasoo sababtay dhimasho iyo dhaawac. Waxay sidoo kale sheegeen in ujeeddada ay saldhigga u tageen ay ahayd in ay taageeraan ehel ka cabanayay sida hadalka u dhigeen tacaddiyo ka dhacay Suuqa Siinaay, isla markaana qorshahoodu ahaa in ay qabtaan shir jaraa’id.
War-saxaafadeedka mucaaradka ayaa lagu sheegay in falka ciidamada dowladda uu yahay “xaq-darro iyo gardarro ka dhan ah mucaaradka iyo shacabka.”
Sidoo kale, mucaaradka ayaa sheegay in maalinta Sabtida ah ay qaban doonaan bannaanax sida uu sheegay Sheekh Shariif, kaasi oo ay kaga soo horjeedaan wax uu ugu yeeray dhul boobka ka socda Muqdisho, uuna ka dhici doono Siinaay, Dayniile iyo Tarabuunka.
Dhanka kale, Taliyaha qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Muumin (Macalin Mahdi), oo shir jaraa’id ku qabtay saldhigga degmada Warta-nabadda, ayaa sheegay in ciidamo hubeysan oo ay la socdeen xubno mucaarad ah ay xoog ku soo galeen saldhigga Wardhiigley.
Wuxuu sheegay in ciidankaasi ay ku hubeysnaayeen sida uu tilmaamay qoryaha culus ee PKM (dabajeex) iyo Dhashiike, islamarkaana ay bilaabeen rasaas xoog leh. Taliyuhu wuxuu ku tilmaamay weerarkaasi “sharci-darro iyo mid halis ku ah amniga caasimadda.”
HBN ONLINE TV